XOG: Wasiirkii Amniga oo diidey inuu RW Xigeenku kasoo muuqdo munaasabad uu xilka ku wareejinayey

0

(Muqdisho) 28 Okt 2020 – Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka, Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, oo ka mid ah Wasiirrada aan lasoo celin ayay dood dhalisay xil wareejintiisu.

Wasiir Isloow oo ka mid ahaa raggii ka gilgishey qaabkii sharci darrada ahayd ee lagu ridey Xukuumaddii uu ka tirsanaa ayaa diidey in munaasabad kooban oo uu xilka ku wareejinayo uu goobjoog ka ahaado RW Xigeenka Md Mahdi oo ku sime muran dhaliyey noqday kaddib dhicitaankii Xukuumaddii Khayrre oo ahaa nin ay aad iskugu dhowaayeen Ducaale.

Arrintan ayaa isku tuur tuur badan kaddib keentay in RW cusub ee Maxamed Xuseen Rooble uu arrinta soo farageliyo oo uu isagu yimaado goobta xil wareejinta.

Hadalsame Media