Wargayskii horay u daabacay kartuunkii lagu xumaynayey Nabiga (NNKH) oo maanta sameeyey mid kale oo lagu caayayo Erdogan & haweenka Muslimka ah

0

(Paris) 28 Okt 2020 – Saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Turkiga ayaa cambaareeyey kartuun aflagaaddo ah oo laga sameeyey MW Tayyip Erdogan kaasoo uu maanta soo saaray wargayska Charlie Hebdo oo ah isla midkii daabacay kartuunkii lagu aglagaaddeeynayey Nabiga (NNKH).

“Si xooggan baannu u cambaaraynaynaa daabacaadda kartuunka laga sameeyey Madaxwayneheenna ee wargayskan Faransiiska ah oo aan wax xurmo ah u haynin wax diin, qaddaasad iyo dhaqan ah,” ayuu Twitter-ka kusoo qoray Afhayeenka Madaxtooyada Ibrahim Kalin.

“Waxay kaliya muujinayaan anshax xumadooda. In weerar lagu qaado xuquuqda qofku maad iyo xoriyad hadal midna maaha,” ayuu raaciyey.

MUXUU MUUJINAYAA KARTUUNKU? Kartuunka Charlie Hebdo oo haatan lagu qoro meel qarsoodi ah, wuxuu muujinayaa Erdogan oo xiran funaanad iyo kastuumo ama nigis, isagoo gacanta ku haysta cabitaan gasacadaysan isla markaana ay wehliso haweenay Muslim ah oo xijaaban balse dhinac ka qaawan oo uu Erdogan marada ka jiidayo isla markaana sida cabitaan khamri u eg, taasoo aflagaaddo ku ah hablaha Muslimiinta ah.

Faransiiska iyo dowladdiisa ayaa sanadihii dambe aad u bartimaameedsanayey dadka Muslimiinta ah iyo guud ahaanba shacaa’irta diinta Islaamka, iyagoo horay u mamnuucay niqaabka.

Hadalsame Media