”Waa wax iskuma falayaal anshax daran!” – Erdogan oo ka hadlay kartuunkii laga sameeyey

0

(Ankara) 28 Okt 2020 – MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay kartuunkii gefka ahaa ee uu ka sameeyey wargayska Charlie Hebdo oo horay u daabacay sawirro gef ku ah Nabigeenna (NNKH).

“Ma doonayo inaan xitaa eego kartuunka si aan qiime ugu yeelo wargays bilaa anshax ah,” ayuu yiri Erdogan. “Uma baahni inaan waxba ka iraahdo wax isku falayaashan nabigeenna caayey.” ayuu daba dhigay.

Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in aanu ka caroonin weerarka isaga lagu qaaday, balse uu aad uga “yaqyaqsooday” asluub darrida ay ku wahayaan nabiga.

Erdogan ayaa horraantii todobaadkan soo jeediyey in aan gebi ahaanba la iibsanin badeecooyinka Faransiisku sameeyo iyo xitaa adeegyadooda.

Hadalsame Media