”Ha ii keenin!” – Itoobiya oo jid u furtay Soomaali ay isku tuurtuurayeen Sucuudiga & Kenya

0

(Nairobi) 28 Okt 2020 – Dad Soomaaliyeed oo laga soo tarxiilay dalka Sacuudi Carabiya ayaa laga dejiyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya si loogu sii dhaadhiciyo Somalia, ha yeeshee, waxaa Jiddah dib ugu celisey Kenya oo xitaa ka dhaaratay inay dayuurad kasii raacaan dalkeeda.

Sucuudiga ayaa dhanka kale sababta uu dadkan dal 3-aad uga dejinayo ku sheegay in aanu ”wanaagsanayn amaanka Somalia” oo aanay sidaa darteed ka dejin karin magaalada Muqdisho.

Ugu dambayn warar haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Itoobiya ay aqbashay in dadkaa laga dejiyo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaddibna halkaa looga qaado dalka Somalia.

QAYLADHAAN – Soomaalida ku dhaqan Sucuudiga ayaa waxaa aad u qabqabanaya Ciidanka Sucuudiga oo ku guraya xabsiyo dalkaa ku yaalla, waxaanay dadkaasi ka cabnayaan inay la’yihiin Safaarad ama Qunsuliyad Soomaaliyeed oo wax la farsamaysa, si loo yareeyo silaca haysta.

Dhanka kale, Sucuudiga oo berii hore Soomaalida toos uga dejin jirey Muqdisho xitaa markii ay dowlad la’aantu jirtey ayaa haatan qaab ku xumays ah u qaadaya tillaabo ah inuu dal 3-aad ka dejiyo Soomaalida, maadaama ay Somalia diiddey tillaabadii lagu go’doomiyey Qadar iyo Dagaalka Yaman.

Hadalsame Media