FALANQAYN QODAN: Danaha shakhsi ee ku dhex jira heshiiska dhex maray Israel iyo dowlado Carbeed

0

(Hadalsame) 28 Okt 2020 – Guud-mar – Tan iyo markii Donald Trump uu lawareegay talada dalka Mareykanka, waxaa isbadal laga dareemay xiriirka siyaasada arrimaha dibadda ee dalkaas gaar ahaan dunida Islamka.Isbadaladaan siyaasadeed ayaa kubilowday xanibaad xaga safarka ah oo lagu rogay muwaadiniinta 7 wadan oo Islam ah oo lagu eedeeyay inay gacansaar la leeyihiin ururo xagjir ah.Liiskan ayaa laga dheehan karay in laga reebay magacyada wadamadii muwaadiniintoodu kulug lahaayeen weeraradii kadhacay Mareykanka sida S. Arabia islamarkaan lagusoo daray kuwo aysan muwaadiniintoodu weeraro kagaysan dalkaas.

Waxaa xigay kabixitaankii Mareykanka ee heshiiskii nuclearka Iran, aqoonsigii uu maamulka Trump u aqoonsaday magaalada Qudus inay tahay caasimadda Israel iyo qorshihii guracnaa ee loogu magac daray ‘qorshihii qarniga’ kaasoo si aan gabasho laheyn xagal daacin ugu sameeyay xaqa dadka Falastiin garab istaagayna Israel.

Kadib fashil lafilan karay oo ku yimid waxii loogu yeeray heshiiska qarniga ee bariga dhexe, madaxweyne Trump, Raisal wasaare Benjamin Netanyahu oo wakiilanaya Jared Kushner oo ay u dhaxdo gabadha Trump ahna lataliye sare oo madaxweyne Trump ah ayaa u weeciyey damacooda ah inay baadi goobaan sidii loo xoojin lahaa ama rasmi looga dhigi lahaa heshiisyo ugub ah oo dhexmara Israel iyo dowladaha Carbeed ee garabka u ahaa dadka Falastiin. Kahor bilowga howl-galkaan diblomaasi oo uu horkacayaan Kushner iyo kooxdiisa waxaa jiray tuhun xoogan oo ah inuu goor horeba abuurnaa heshiis hoosaad u dhexeeya dowladaha Carbeed kuwooda ugu tunka weyn iyo Israel gaar ahaan S. Arabia iyo UAE, arrintaan oo guud ahaanba kahor imaanaysay qaraarkii kasoo baxay shirkii Jaamacadda Carabta sannadkii1967-kii oo qeexayey inaysan dowlad Carbeed Israel lagalin wax wada xaajood ah, wax heshiis nabadeed ah iyo aqoonsi dowladnimo ah midna.

Balse lagasoo bilaabo bishii August ee sannnadkaan, waxaa si rasmi ah loo shaaciyey heshiis rasmi ah oo dhex maray Imaaraatka iyo Israel, taasoo ay dabayaaleen heshiisyo kale oo dhex maray Israel, Bahrain iyo Sudan. Arrintaan oo waji kale u yeeshay guud ahaan siyaasada gobolka gaar ahaanna qadiyadda dadka Falastiin.

Dowladihii Carbeed ee goorhore heshiiska lagalay Israel

Kadib qaraarkii Jaamacadda Carabta 1967-dii oodaba socday dagaalkii Israel kuqabsatay dhul balaaran oo Falastiin leedahay, gobolka Sinai ee Masar iyo buuraha Golan Heights ee Syria, waxaa mudo 20 sanno kudhawaad ah dhaqan-galay fulinta qaraarka wadamada kubahoobay Jaamacadda Carabta ee ahaa inaan wax heshiis ah lala gaarin Israel, laakiin waxuu xaalku isbadalaysannadkii 1979-kii kadib markii heshiis gaar ah oo Mareykanku garwadeen ka yahay kala saxiixdeen Masar iyo Israel kana dhigtay dowladii ugu horeysay ee Carbeed oo heshiis lagaarta Israel. Masar oo markii horeba masuug kaqabtay doorkii liitay ee dowladaha Carbeed ku lahaayeen dagaalkii 1967-dii ee looga qabsaday gobolka Sinai iyo dagaalo kale oo kadanbeeyey oo gaar ah, ayaa istusisay inay adag tahay inay awood dagaal dib ugu hanato dhulkeeda taas badalkeedana heshiis wax ku raadiso. Kadib heshiiska Masar iyo Israel, dowladii labaad ee heshiis la gaarta Israel waxay noqotay dowlada Jordan ama Urdun sannadkii 1994-kii.Waxii waqtigaas kadanbeeyey majirin heshiisyo rasmi ah oo dhexmaray Israel iyo dowladaha Carabta ah inkastoo uu jiray iskaashi qarsoodi ah oo kadhex-jiray labada dhinac.

Saameyntii Trump iyo isbadalada xiriirka Carabta iyo Israel

Guushii 2016-ka Trump ee doorashada Mareykanka waxay guul la saadaalin karay u aheyd dowladda Israel oo sida laga cabiran karay shaqsiyadda Trump iyo kalmadihii ololaha doorashadiisa ay ka muuqatay janjeer iyo taageero xoogan oo dhanka Israel. Trump oo horey xiriir dhaqaale ula lahaa Sucuudiga, Imaaraatka iyo Israel ayaa sida muuqata uga faaideystay xiriirkaas mid siyaasadeed. Trump ayaa waqtigan ku guuleystay inuu heshiis kadhex abuuro dowladaha Israel, UAE, Bahrain iyo Sudan. Laakiin marka hore aan eegno ujeedada iyo danaha heer shaqsi iyo heer qaran ee gadaal ka riixaya qabsoomida heshiiskan.

Danaha heer shaqsi ee heshiiska Israel iyo Carabta

Xiriirkan cusub ee Israel iyo qaar kamid ah dowladaha Carabta ayaan kaliya ku xadid-nayn dano heer qaran ah balse ay kulamaan yihiin dano shaqsi.Danahaan heer shaqsi ayaa waxaa qeyb ka ah dano dhaqaale, kuwa hub iyo kuwo xil siyaasadeed.Hadaba aan mid mid u eegno danaha shaqsi ee dadka horboodaya xiriirkan cusub ee Carabta iyo Israel.

a) Xiriirka Trump& Mohamed Bin Salman: Trump oo kasoojeeda qoys caan ku ah ganacsiga gaar haan ka-ganacsiga guryaha, hotelada raaxada, adeega dalxiisayaasha, xarumo ciyaaraha golf-ka iyo kuwa kale ayaa nasiib u yeeshay inuu madaxweyne kanoqdo dalka Mareykanka sannadkii 2016-ka taasoo sare u qaaday fursadaha ganacsigiisa iyo xiriirka uu la leeyahay caalamka. Wadamada uu Trump waqtiga dheer xiriirka ganacsi la lahaa waxaa ugu horeeya S.Arabia, UAE iyo Israel halkaasoo uu kahirgaliyey ganacsiyo u badan guryo deegan ah iyo hotelo waaweyn oo kuwa raaxada ah. Marka laga tago ganacsigiisa kajira dalalkaas, waxaa jira in shaqsiyaadka ugu taajirsan dalalkaasi oo ay kujiraan masuuliyiinta dowladahaas ay aad u isticmaalaan hotelada Trump kuleeyahay Mareykanka kuwaa oo ku qarash-gareeya malaayiin dollar. Trump oo aan sharciyan loo ogoleyn inuu gacanta ku hayo maamulka ganacsigiisa gaarka ah xiliga uu hayo xilka qaran ayaa mudada uu xilka hayey lagu eedeynayey inuu masuuliyadiisa qaran uga faa,ideysanayo midiisa gaarka ah. Muwaadiniinta kasoo jeeda Sacuudiga ayaa sida lasheego maal-galin qiimaheeedu gaareyo $600 billion kuleh gudaha Mareykanka. Hadaba, si loo xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee S. Arabia iyo Trump, talaabooyinka uu Trump qaaday waxaa kamid ahaa

• Trump waxuu safarkiisii ugu horeeyey ee dibada ah tan iyo markii uu xilka qabtay ku aaday Sacuudiga, taasoo muujinaysa muuhimada uu u leeyahay dalkaas.

• Trump ayaa aad ugu taageeray talaabooyinka uu xabsiga ku dhigay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan dad badan oo kamid ah qoyska boqortooyada iyo kuwa kale oo afkaar ahaan kasoo horjeestay talaabooyinkiisa isbadal ee uu ka bilaabay Sacuudiga, arrintaan oo ay qolyaha u dooda xaquuqul insaanku cod dheer ugasoo horjeesteen.

• Trump waxuu dhagaha ka fureystay joojinta qasaaraha duqeynta dalka Yemen ee Sacuudigi horkacayo iyo baaqa ururada xaquuqul insaanka.

• Trump ayaa iska dhagatiraydilkii loo geystay suxufigii ka howl-galayey wargeyska Washington Post ee Jamal Khashogi oo Sacuudiga lagu eedeyey, taasoo xumeyn kartay xiriirka labada dal horseedi kartayna cunno-qabateyn heer shaqsi iyo mid dowlad.

• Trump ayaa Sacuudiga ka gacansiiyey is-hortaag lagu sameeyey qaraar Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ku eedeynayey Sacuudiga inuu danbiyo dagaal ka geystay dalka Yemen.

• Trump ayaa sidookale is-hortaag kusameeyey qaraaro kasoo baxay aqalka Congress-ka Mareykanka oo lagu dal-banaayey in la joojiyo doorka taageerada military ee Mareykanka kutaageero Sacuudiga dagaalka dalka Yemen iyo iibka hub ku kacayey $8 billion.

• Trump ayaa Sacuudiga la qaatay in Mareykanku dib uga laabto heshiiskii nukleerka ee Iran, islamarkaana cunno qabateyn aan kala go, laheyn kusoo rogo dowlada, shirkadaha iyo shaqsiyaadka ugu firfircoon dalkaas.

b) Xiriirka Trump & Israel:Trump oo shaqsiyan lagu tiriyo inuu yahay qof ku adag siyaasadaha muxaafidnimada oo xiriir dhow la leh dhaqanka iyo diinta, ayaa xiriir soojireen ah oo dhaqaaluhu hormuud u yahay mudo la lahaa Israel, balse waji kale yeeshay kadib damaciisii ahaa inuu iskusoo sharaxo xilka madaxweynaha.

• Trump ayaa xiligii ololaha doorashadiisa aad usoo jiitay ururka awooda badan ee AIPAC oo ah urur door iyo saameyn xoog badan ku leh siyaasada dalka Mareykanka, gaar ahaan naq-shadeynta siyaasadda arrimaha dibada ee kuwajahan Bariga-dhexe iyo Israel. AIPAC ayaa saameyn dhaqaale iyo mid xod-xodasho oo aad balaaran ku leh doorashooyinka inta badan xubnaha aqalka hoose, midka sare iyo mida madaxweynaha ee dalka Mareykanka taasoo marwalba muhiim kadhigta in siyaasiyiintu geed dheer iyo mid gaaban u fuulaan sidii ay ku kasban lahaayeen kalsoonida ururkan. Trump oo qudbad kahorjeedinaya ururka AIPAC 21-March 2016-ka ayaa soo bandhigay balanqaad xiligaas loo arkayey wax caqliga kabaxsan  oo uu ku taageeri doono Israel hadii uu taageero kahelo ururka, taasoo ay ugu danbeyn kuqanceen xubnaha ururkan, kuna taageereen ololihiisa doorasho.

• Kadib doorashadiisii, Trump ayaa durba saxiixay xeer madaxweyne oo u aqoonsaday magaalada taariikhiga ee Jarusalam ama Qudus inay tahay caasimada Israel.

• Trump ayaa dib uga baxay heshiiskii nukleerka Iran ee maamulkii kahoreeyey saxiixay, taasoo ay Israel kacabsi qabtay waqtiga dheer ee Iran laga ogolaaday inay ku burburiso hubkeeda nukleerka,  kuna badalay cunoqabateyn xoogan.

• Trump ayaa joojiyey taageeradii dhaqaale ee Mareykanku siin jiray ururka gacanta ku haya qaxootiga Falastiin ee UNRWA.

• Trump waxuu sidookale joojiyey taageeradii dhaqaale ee Mareykanku siin jiray maamulka Falastiin ee uu hogaamiyo Maxamud Cabaas.

• Trump ayaa sidookale taageeradii dhaqaale ee Mareykanku siin jiray kajoojiyey hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhowrista xaquuqul insaanka kadib markii uu ku eedeeyay inay ka hiilisay Israel.

c) Benjamin Netanyahu: raisal wasaaraha Israel oo ay guul weyn u aheyd doorashadii Trump maadaama uu ku taageeray go,aano farabadan oo caalami ah kuwaasoo ay ku adkeyd inuu kahelo madaxweyne kale oo Mareykan ah, ayaa sidookale waqtiyadaan danbe wajahayey culeysyo gudaha ah oo ay ugu horeyso eedo musuq-maasuq, gaabiskanatiijada labadii doorasho ee ugu danbeysay iyo banaan-baxyo looga codsanayo inuu is casilo. Netanyahu ayaa doonayo inuu xiriirka cusub ee Israel iyo Carabta iskaga dulqaado culeyska shaqsi ahaan gudaha kaheysta islamarkaana qaladaadkiisa dadku ku iloobaan waagan cusub ee u dilaacay Israel iyo Carabta. Wallow ay baaritaankii musuq-maasuq iyo banaan-baxyadu wali socdaan, hadana ra,yi uruurinta dadka Israel iyo saxaafadda dalkaasba waxaa hareeyey hadal haynta xiriirka Israel iyo Carabta, taasoo marka loo eego xiliga lagusoo beegay guul siyaasadeed siin karta Netanyahu.

d) Jared Kushner: ninkan oo asal ahaan qudhiisa kasoo jeeda qoys Yahuud ah ayaa inta uusan Trump kuguuleysan xilka madaxtinimo ahaa ganacsade galaangal fiican oo ganacsi laleh Israel waxuuna xiriirkan sii xoogaystay kadib markii loo magacaabay lataliyaha qaaska ah ee madaxweynaha, hogaankana u qabtay siyaasada bariga dhexe. Kushner ayaa la sheegaa inuu gacansaar dhow la leeyahay qaar kamid ganacsatada iyo bangiyada maalgalinta sameeya ee Israel, ganacsatada waaweyn ee kasoo jeeda UAE, halka uu xiriir shaqsi oo saaxiibtinimo sidookale la leeyahay dhaxal-sugaha Sacuudiga. Kushner ayaa sida muuqata howshiisa aqalka cad aysan ku xadidnayn lataliyenimo balse ah shaqsi awood balaaran kuleh dejinta iyo hagidda siyaasada arrimaha gudaha iyo dibeda Mareykanka asagoo sabab u ahaa in shaqada laga ceyriyo xubno badan katirsanaa maamulka Trump oo ay isku qabteen arrimahaan.

e) Shirkaddaha hubka Mareykanka:  shirkadaha hubka sameeya ee Mareykanka oo galaangal xoogan oo dhaqaale kuleh doorashada xubnaha Congress-ka iyo madaxda kale ee Mareykanka ayaa doorweyn oo taariikhi ah kuleh siyaasadda arrimaha Dibedda ee dalkaas ayagoo madaxda dalkaas culeys kusaara sidii suuq iibka hubka ah looga abuuri lahaa caalamka. Lagasoo bilaabo 1990-kii, gobolka ugu hub iibsiga badan aduunka waxuu ahaa Bariga-dhexe, taasoo bartilmaameed u noqotay shirkadahan. Waxii kadanbeeyey kacdoonkii ka dhacay dalalka Carabta waxaa sare usii kacayey dhaqaalaha shirkadahan kasoo gala wadamada gobolka gaar ahaan Sacuudiga, Imaaraatka iyo Qatar. Hadaba, marka la isku geeyo dagaalada kasocda Yemen, Syria, Libya iyo cabsida kadhex abuuran qaar kamid ah wadamada Khaliijka iyo Iran waxay fursad dhaqaale iyo suuq u noqotay shirkadahan oo adeegsanaya Trump iyo kooxdiisa.

Danaha heer qaran ee xiriirka Israel iyo Carabta

a) UAE oo heshiiskan cusub ee ay Israel la gashay aysan ka marnayn dano dhaqaale ayaa ahmiyada uguweyn ee ay ku aqbashay bandhiga Mareykanku hormuud ka yahay la oran karaa helitaanka agab military gaar ahaan diyaaradaha casriga ah ee F-35. Diyaarada F-35 oo ay soosaarto dowlada Mareykanka ayaa siyaasad ahaan kaliya laga iibiyaa wadamada saaxiibka dhow la ah Mareykanka sida Israel. UAE ayaa muujisay inay heshiis ay Israel lagasho fududaanayo marka laga iibiyo diyaarada F-35. Sharuuda UAE waxaa durba kahoryimid Israel oo kacabsi qabta in wadan Carbeed gacanta loo galiyo diyaaradan casriga ah taasoo qal-qal galin karta amnigeeda, balse cadaadiska gudaha ka haysta Netanyahu iyo danaha dhaqaale ee Trump iyo Kushner ayaa ugu danbeyn keentay in la aqbalo codsiga UAE oo qudheeda cabsi ka qabta awooda military ee Iran.

b) Bahrain oo bulshada kunool lagu qiyaaso inay 70% yihiin Muslimka Shiicada ah ayaa waxaa xukunkeeda gacanta ku haya qoys Sunni ah taasoo abuurtay in mujtamaca Shiicada ah oo garab kahelaya dowlada Iran iskusoo-baxyo mudo socday oo ay ku dalbanaayeen isbadalo siyaasadeed ay sababtay dhimasho, dhaawac iyo xabsi. Sacuudiga oo cabsi kaqaba kacdoonka shacabka Shiicada iyo doorka Iran kuleedahay ayaa durba faragalin milatari ku sameysay xiligaas taasoo dowlada Bahrain u sahashay inay xaalada si caadi ah kusoo celiso ayadoo awood isticmaalaysa. Bahrain oo kamid ah dowladaha heshiiska lagalay Israel ayaa damaceedu yahay garab istaag military oo ay kahesho Israel ayadoo xaaladeeda lagu macneyn karo oraahdii Soomaaliyeed ee aheyd ‘Cadowgaaga cadowgiisa waxaa lasiiyaa caano macaan’.

c) Sudan oo in muda ah wajahaysay cuno-qabateyn waqti dheer saarnayd oo lagu sababeeyay xiriir gabaadsiin ah oo dhexmaray madaxweynihii hore Omar Al-Bashir iyo hogaamiyihii Al-Qaida Osama Bin Laden iyo taageero falal argagixiso oo lid ku ah Mareykanka iyo xulufadiisa, ayaa sidookale tan iyo markii xukunka laga tuuray Al-Bashiir ay lasoo daristay culeysyo dhaqaale iyo sicir barar dhanka maciishada ah oo baahsan. Raisal wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok oo hogaaminaya dowlad kumeel- gaar ah oo ka kooban militarigii meesha kasaaray Al-Bashiir iyo dad shacab ah ayaa in mudo ah raadinayey sidii go,doonka dhaqaale looga saari lahaa Sudan. Hamdok oo ay koobnayd fursadaha u furan maadaama uu wajahayey dibad-baxyo gudaha oo dadku kagasoo horjeedaan sicir bararka iyo shaqo la,aanta kor usii kacaya ayaa kudhacay gacanta xulufada UAE iyo Sacuudiga. Dalabka uguweyn ee Hamdok ayaa ahaa sidii Sudan loogusoo celin lahaa saaxada dhaqaalaha caalamka ee uu xukumo Mareykanka taasoo furaheeda laga helikaray Sacuudiga iyo Imaaraatka. Sudan ayaa is-adkeyn mudo socotay kadib aqbashay inay qaadato masuuliyada qaraxyadii loo geystay safaaradihii Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania iyo markabii dagaalka ee USS Cole islamarkaana bixiso magdhow kor u dhaafay $300 million. Qaadashada masuuliyada qaraxyadaan iyo magdhowga ay Sudan bixinayso waxaa maamulka Trump uga muhiimsanaa in Sudan qeyb kanoqoto mowjada heshiiska cusub ee Israel iyo Carabta, taasoo lagu dhex qarinayey arrinta masuuliyada qaraxyada. Hamdok ayaa kadib heshiiskan raja kaqaba in laga qaado cuno-qabateynta mudada saarneyd dalkiisa islamarkaana lacago amaah deg-deg ah ka helo IMF iyo World Bank. Heshiiska Sudan ee Israel ayaa wajahaya dhowr caqabad oo ay ugu horeyso in dowlada Hamdok tahay kumeel-gaar, in heshiiskan u baahan yahay ansixin baarlamaan kaasoo aanan ilaa hada dhisnayn iyo banaan-baxyo hor leh oo loogasoo horjeedo heshiiskan.

d) Israel ayaa waqtigan u muuqata inay heshiisyadaan kasoo hooysay guul taariikhi ah maadama qadiyadii Carbeed ee kuwajahneyd xoreynta Falastiin kala qeybsantay taasoo u xalaaleyn karta dhulka ay xooga ku haysato iyo falalka guracan ee ay kuhayso shacabka Falastiin. Israel iyo maamulka Netanyahu oo si xowli ah u wada balaarinta dhismaha dhulka Falastiin iyo abuurida deegaano cusub ayaa leh ujeed meesha looga saarayo helitaan wax layiraaddo dhul iyo dowlad Falastiin ah taasoo uu dhaawac culus soo gaaray waqtigan.

e) Mareykanka iyo kooxda Trump oo hormuud ka ahaa gundhiga, iib-geynta iyo fulinta heshiiskan kunasoo beegay xili lagujiro doorasho ayaa marka lagasoo tago danaha dhaqaale ee heer shaqsi iyo abuurintaanka saaxiibo cusub oo ay Israel yeelato, sida muuqata heshiiskan saameyn xoogan oo lataaban karo kuma uusan yeelan ololaha iyo hadal haynta doorashada Mareykanka. Heshiisyada noocan oo kala ah oo badanaa saameyn kuyeesha ra, yiga iyo codeynta dadweynaha, waxaa waqtigan laga filan karay inay fursad u noqoto maamulka Trump laakiin ma noqon, taasoo loo sababeyn karo culeysyada dhaqaale iyo shaqo la,aaneed ee uu keenay xanuunka COVI-19 oo dadka uga ahmiyad badan xiligan. Sidookale heshiiskan waxuu u dhaba-xaarayaa in madaxda danbe ee Mareykanka si ka culeys yar sidii hore u wajahaan xaalada Israel iyo Falastiin oo markii hore ootin ku aheyd.

f) Sacuudiga wali si rasmi ah qeyb ugama ahan heshiiskan, laakiin siday Soomaalidu tiraahdo ‘halkii aad qaac ku aragto dabna ka filo’ oo macnaheedu yahay halkii aad Imaaraatka ku aragto Sacuudigana ka filo. Dad badan ayaa aaminsan in Sacuudigu doorweyn ku leeyahay qal-qaalada iyo hirgalinta heshiiskan, mustaqbalka dhowna si rasmi ah qeyb uga noqon doono maadaama Mohamed Bin Salman lagu sheego saaxiibka dhow ee kooxda Trump iyo Israel.

Gunaanad – Sida muuqata, heshiiskan waxuu dhaawac halis ah gaarsiin karaa qadiyada shacabka Falastiin oo markii horeba arrintoodu ceel kusii socotay. Midnimada Carbeed iyo difaacida xaquuqda Falastiin waxay aheyd xalka kaliya ee rajo looga qabay in mar la arko dowlad Falastiin leedahay oo xor ah balse arrintan ayaa dhanka kale fariin u direysa mujtamaca kale ee aan Islamka ama Carabta aheyn inay banaanka ka istaagaan qadiyadda Falastiin maadama kuwii Carbeed-ba dantooda ka eegteen. Shaki kuma jiro inay jiri doonaan dowlado kale oo Carbeed oo kusoo dhaca shabaqa Israel ee kaqeyb noqoshada heshiiskan haba ugu badnaadeen kuwa saboolka ah maadama Israel kusoo jiidan karto horumarka ay kagaartay dhanka beerashada casriga ah ee beeraha, tababarka ciidanka, iibka hubka iyo bixinta deymaha bangiyadda.

Waxaa Qortay: Xamdi Wardheere Maxamed

Email: zudeys9@gmail.com 

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media