Ciidanka KDF oo sii daayey qaar ka mid ah dad ay ka qafaasheen Ceelwaaq & dembi ay qirteen

0

(Nairobi) 28 Okt 2020 – Kenya ayaa sii daysey 3 ka mid ah 8 qofood oo ay Ciidanka KDF horay uga qafaasheen Degmada Ceelwaaq ee dalka Somalia.

Dadwayne ku kala dhaqan magaalooyin ay ka mid yihiin Buula Xaawo, Doolow, Garbahaarrey iyo Ceelwaaq ayaa ka dibed baxay qafaalka dadkan rayidka ah oo midkood ay sheegeen inay kaddib dileen Ciidanka KDF.

Guddi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa Dowladda Kenya kala xaajoonayey sii daynta dadkan ay Kenya qabsatay.

Warbixinta aannu heleeyno ayaa sheegaysa in Guddiga loo xaqiijiyey inuu dhintay mid ka mid ah oo ay Kenya qiratay inay dileen ciidankeedu, iyadoo isla markaa ogolaatay inay sii dayso 3 ka mid ah, taasoo ka dhigan inay weli haystaan 4 qof oo kale. Lama oga in lagula xisaabtami doono qofkaa ay dileen.

Ciidanka Kenya ayaa taageerayey maliishiyaad ay doonayeen inay qabsadaan degmooyin ka tirsan Gedo, kuwaasoo uu hoggaaminayo Wasiirkii Amaanka Jubbaland ee hore, waxaana ay taasi keentay inay DF ciidan usoo dirto gobolka, kuwaasoo dagaal la galay maliishiyaadkaas ay Kenya wadatey.

Hadalsame Media