”Usha ii sii haya!” – Wasiir ka tirsan DF Somalia oo ka hadlay arrin hadda kahor afkiisa laga yeersiiyey oo iminka dhabowdey!!

0

(Muqdisho) 27 Okt 2020 – Wasiirka cusub ee Warfaafinta Somalia, Md Cusmaan Dubbe, ayaa ka hadlay waayo soo maray oo uu ku muujinayo inay riyo u rumowdey.

Wuxuu Wasiirku warkiisa ku bilaabay sidatan: ”Bilowgii 1998-kii ayaan Xarunta Dowladda Hoose ee Burco ku soo booqday nin aannu saaxiib ahayn oo la odhan jirey Cismaan Tima-adag oo markaa ahaa madaxa Shaqaalaha Dowladda Hoose, waa xiligii Maxamed Xuseen ahaa Duqa Magaalada Burco.

”Askartii albaabka ilaalinaysay baa Bakoorad aan iskaga xaragoonayey igu yidhi keen xafiiska ha la’ geline, ma’jirin xiligaas sharci diidayey ulaha dhaqanka in lala galo xarumaha maamulka. Markaas baan Askartii ku iri kelmad aanan ku talo gelin oo ahayd “ii sii haya usha’ kolleyba maalin dhow anigaa madax idiin noqon doona’e”.

”Maalintaas runtii maan hayn qorshe iyo aragti aan wax ku maamulo, laakiin xilka iyo masuuliyadda ayuun baan iska caashaqsanaa. 22 kaas sanadood ee ka dambeeyey maalintaas waxan baranayey ama dadka barayey aqoon ku saabsan Dowladnimada, xilka iyo waajibaadkiisa. Saaka ayaan soo gaadhay xafiis ka mid ah xafiisyadii aan u soo socday rubuc qarniga si aan ugu adeego Dadkayga iyo Dalkayga. Ilaahay ha igu asturo.” ayuu Wasiirku qoraalkiisa. kusoo afjaray.

Hadalsame Media