Faransiiska oo iyaga oo is yara jilcinaya ka hadlay go’aanka ay ka qaateen badeecada ka imanaysa Turkiga

0

(Paris) 27 Okt 2020 – France ayaa sheegtay inaysan qorshaynaynin inay si rogaal ah u qaaddacaan badeecooyinka Turkiga isla markaana ay sii wadayaan xiriirka Turkiga, sida uu sheegay Wasiirka Ganacsiga dalkaasi, Md Franck Riester.

“Ajendaha nooguma jiro wax aarsi ah,” ayuu Riester ku yiri Idaacadda RTL.

Wuxuu se cambaareeyey hadalkii MW Turkiga ee Tayyip Erdogan oo sheegay in ”madaxa looga jiro” MW Faransiiska ee Emmanuel Macron oo uu ku haystey sida liidata ee uu u beegsanayo Muslimiinta ku dhaqan dalkiisa.

Erdogan ayaa Isniintii shalay ahayd dadkiisa ku boorriyey in aanay iibsanin badeecooyinka Faransiiska, taasoo qayb ka ah baaq guud oo ka hirgalay dalal badan oo Muslim ah oo qaaddacay badeecada Faransiiska oo si isa soo taraysa u muujinaya in aanu ixtiraam u haynin Diinta Islaamka.

Hadalsame Media