DHEGEYSO: Dadka ajnabiga ah oo Swedish-kii uga dheereeyey dhanka abuuriska shirkadaha cusub

0

(Stockholm) 27 Okt 2020 – Tirada sharikaadka ay sameynayaan dadka asal ahaan dalal kale kazoo jeeda ayaa si wayn ugusii kordhaysa dalka Sweden, sida ka muuqata sahan ay samaysay Hay’adda Tirakoobka Qaranka oo la shaqaynaysa Bankiga SEB, sida ay sheegtay Belgin Alalinli, oo Baanka SEB ugu qaybsan umuuraha la xiriira ganacsi abuurka.

Sahankani wuxuu muujinayaa in tirada sharikaadka ay abuureen dad dalal kale ku dhashay ama ay dhaleen waalidiin dalal kale ka yimid ay ka koror badan yihiin xitaa dadka asal ahaan Swedish-ka ah.

Intii u dhaxaysey 2003dii ilaa 2018-kii, waxay tirada dadkani korodhay 224%, marka loo eego dadka kale oo sameeyey koror dhan 76% oo qura. Belgin Alalinli ayaa qiraysa in Swedish-kiiba laga dheereeyey.

Hadalsame Media

Facebook Comments