Dalka Turkiga oo gawaari gaashaaman oo aan qaaradda horay looga dalban ka iibinaya dal Afrikaan ah + Sawirro

0

(Ankara) 27 Okt 2020 – Sharikadda agabka ciidanka ee Otokar ayaa heshiis ku kacaya $110 milyan oo euro la gashay dalka Afrikaan ah si ay uga iibiso gawaarida gaashaaman oo casri ah, sida ay shirkaddu maanta u sheegtay Madasha Dadwaynaha ee KAP.

Waxaa heshiiska ka mid ah in dalkaa Afrikaanka ah laga iibiyo gawaarida qafilan ee Arma 8x8s iyo Cobra II 4×4 iyo sidoo kale kabkooda iyo tababarkooda.

Waxay sharikaddu sheegtay in uu dalkani yahay midkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee soo dalbada Arma 8×8, waloow ay diideen inay sheegaan magaca dalkaasi.

Otokar ayaa horay gaadiidkan uga iibisey 50 macaamiil oo ku kala sugan 35 dal, waxaana dalalka ay barnaamijkan wada shaqaynta ka leeyihiin ka mid ah France, Kazakhstan, Imaaraadka (UAE) iyo Romania.

Waxayna leeyihiin muuqaallo badan sida inay ciidanka qaadaan, inay qoryo kala duwani ku xirmi karaan, inay ka howlgeli karaan dhul iyo cimilo kala duwan iyo inay qaban karaan howlo kale sida sahanka. Waxaa dheer inuu berri biyood yahay.

Arma 8×8 waa gaarigii ugu dambeeyey waxaana horumarintiisa la bilaabay 2007-dii, iyadoo Carwada agabka Ciidamada ee Istanbul lagu soo bandhigay Maajo 2011-kii.

Hadalsame Media