Armenia oo xilka ka qaadday taliyihii 2-aad kaddib guuldarrooyin xiriir ah (Taliyihii Ilaalada Xuduudaha oo…)

0

(Baku) 27 Okt 2020 – Taliyihii Ciidanka Ilaalada Xuduudaha Armenia, Vaginak Sarkissian, ayaa xilkii laga xayuubiyey kaddib markii ay guuldarrooyin xiriir ihi soo gaareen ciidanka dalkaasi.

Cayrinta Sarkissian ayaa ku timid soo jeedin uu keenay RW Armenia, Nikol Pashinian.

Waxaa sidoo kale horay 8-dii bishan xilkii laga qaaday Taliyaha Guud ee Sirdoonkaa Armenia, Argishti Kyaramyan, iyadoo ay arrintan ka dambeysey kaddib markii dalkaa laga xoreeyey dhamaanba dhulka xuduudda laba dal ku dherersan ee ay Azerbaijan ka haysteen 30kii sanadood ee tegey.

Ciidanka Azerbaijani oo shalay oo ugu dambeysey qabsaday Qubadli oo ay Armenia lafteedu qiratay, ayaa sidaa ku xoreeyey magaalooyin dhowr ah iyo boqollaal tuulo.

Hadalsame Media