Khabib oo lacagtii abid ugu badnayd ka helay feerkii ugu dambeeyey (Waa imisa?)

0

(Abuu Dabeey) 26 Okt 2020 – Khabib Nurmagomedov ayaa la sheegayaa inuu feerkii ugu dambeeyey ka helay kharashkii abid ugu badnaa kaddib markii uu garaacay Justin Gaethje oo ay ku tartameen suunka feerka miisaanka fudud ee UFC 254.

Ninkan oo lagu naanayso Gorgorka ayaa wareeggii 2-aad ku badiyey feer 3-xagal ahaa kulankan aadka loo dhowrayey ee UFC oo ka dhacay Fight Island oo ah Abuu Dabeey, taasoo uu Khabib ciyaarta uga fariistay isagoo aan abid laga badin (29-0).

Guushan oo u ahayd middii 13-aad ee tartanka UFC ayuu jeebka ku shubtay lacag abaalmarin ah oo dhan £4.6milyan oo gini (6 milyan oo doolar) oo lagu daray £70,000 oo ah bareemiyo bandhigga la xiriirta.

Waxay ka badan tahay £1.5milyan oo gini oo uu ka helay markii uu garaacay Conor McGregor oo ay isku heleen UFC 229.

Hadalsame Media