DF Somalia oo xoojinaysa xiriirka QM xilli laga hakiyey dhanka Somaliland

0

(Muqdisho) 26 Okt 2020 – RW cusub ee DF Somalia, Md Max’ed Xuseen Rooble, ayaa kulan la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u jooga magaalada Muqdisho.

RW Rooble ayaa James Swan ku qaabiley Xafiiska RW ee magaalada Muqdisho iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka soo aaddan oo ah waqcadda siyaasadeed ee haatan ugu mudan dalka.

”Waxaan Kulan wax soo saar leh la yeeshay Ergayga James Swan. Waxaannu ka wada arrinsannay doorashada, amaanka iyo xoojinta jaalnimada horumarinta Somalia.” ayuu yiri RW Rooble.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya saacado kaddib markii ay Somaliland sheegtay inay hakisay wada shaqayntii QM iyo mashaariicdii ay halkaa ka wadeen.

Hadalsame Media