Khayrre oo gaarey dalka Turkiga & dadwayne fara badan oo soo dhoweeyey + Sawirro (Madax uu la kulmi rabo)

0

(Istanbul) 25 Okt 2020 – RW hore ee Somalia, Xasan Cali Khayrre, ayaa ka degey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Khayrre oo xilka ka tegey dhamaadkii Luulyo isla markaana ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan Madaxtinnimada dalka ayaa Turkiga kula ballansan madax kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda uu la kulmi doono uu ka mid yahay MW hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

Khayrre oo dhowaanahan ku sugnaa dalka Kenya ayaa halkaa kula kulmay madax iyo ashkhaas kala duwan oo uu ka mid yahay MW hore ee Shariif Sh. Axmed.

Hadalsame Media