FIFA oo qaab dhega hadal ah dhambaal hambalyo ah ugu soo dirtay Wasiirka Isboortiga cusub (Sumad aysan lahayn wasiirradii hore oo uu leeyahay)

0

(Zurich) 25 Okt 2020 – Xiriirka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta FIFA ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Wasiirka Dhallinyarada & Isboortiga ee Xamsa Saciid Xamsa oo ka tirsan XF cusub ee RW Rooble oo haatan kalsoonidii la siiyey.

FIFA ayaa hambalyada Wasiirka ku micnaysay arrin naadir ah oo ah inuu noqday laacibkii hore ee ugu horreeyey ee abid xilkaa loo magacaabo, taasoo ay FIFA sida muuqata dhiirri gelinayso.

”Waxaannu dhararaynaa in aannu ka wada shaqayno barnaamijyo badan oo lagu hormarinayo kubadda cagta Somalia sida mida FIFA Forward Program, midka Horumarinta FIFA iyo kuwo kale.” ayaa lagu yiri dhambaalka oo uu ku saxiixnaa Veron Mosengo-Omba oo xubin ka ah Guddiga Fulinta.

FIFA ayaa iyadu gacan wayn ka gaysata dayactirka iyo qalabaynta garoomada dalka, sida Koonis iyo Istaadiyo Muqdisho oo hadda gacanta laga qaaday, iyadoo uu warkani dhega hadal ku yahay Wasiirrada kale ee xilkan soo qabtay.

Hadalsame Media