”Bal noo sharrax warkan!” – Itoobiya oo u yeertey Danjiraha Maraykanka & xaaladda oo kacsan

0

(Addis Ababa) 25 Okt 2020 – Ethiopia ayaa u yeeratey Danjiraha Maraykanka u jooga Addis Ababa iyadoo ka xun wax ay ku sheegtay “hurin dagaal” dhexmara Ethiopia iyo Masar kaddib markii uu MW Maraykanka ee Donald Trump uu si cad usoo jeediyey in Qaahira ay “duqayso biyo-xireenka” Renaissance Dam.

Wasiir Dibadeedka DF Itoobiya, Gedu Andargachew ayaa isla shalay u yeerey Addis Ababa, Mike Raynor, si uu sharraxaad uga bixiyo warka kasoo yeerey Madaxwaynaha maamulkiisa.

“Hurinta dagaal dhex mara Ethiopia iyo Masar oo ka imanaya MW xil haya oo Maraykan ihi ka tarjumi mayso xiriirka dheer ee istaraatijiga ah ee Ethiopia iyo Maraykanka mana aha mid la aqbali karo marka la eego xeerka caalamiga ah ee loo raaco maareeynta arrimaha dalalka ka dhexeeya,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay WAD Itoobiya.

RW Abiy Ahmed ayaa shalay isaga oo aan cidna carrabaabin wuxuu sheegay in hanjabaad kasta oo ka dhan ah buuxinta biyo-xireenku (GERD) uu yahay mid ”marin habowsan, aana miradhal ahayn isla markaana ka dhan ah xeerka caalamiga ah.”

MW Maraykanka oo aan sidaa u xeerinin sida ay siyaasadda caalamku u shaqayso, ayaa jeer uu telefoon kula hadlayey RW Suudaan, Abdalla Hamdok oo uu kala hadlayey xiriirka qoor-qabadka ah ee Israel, wuxuu isaga oo ay saxaafaddii dhegeysanayso sheegay in Qaahira ay “marka dambe duqaynayso biyo-xireenka”.

Maamulka Trump ee Maraykanka ayaa sidoo kale lacag Itoobiya la siin jirey joojiyey isagoo sheegay inaysan ”shilin arkaynin haddii aysan war yeelin.”

Hadalsame Media

Facebook Comments