“Warkaagu waa ma dhalays!” – RW Itoobiya oo furka ku xooray Donald Trump

0

(Addis Abeba) 24 Okt 2020 – RW Itoobiya ee Dr Abiy Axmed Cali ayaa si kulul uga jawaabey hadal kasoo yeeray MW Maraykanka ee Donald Trump.

Md Trump ayaa u muuqdey nin Masar si cad u taageeraya isagoo dabcan xeerinaya danaha Israel, wuxuuna xitaa soo jeedinayaa inay Masar duqayso Biyo-Xireenka ay dhisanayso Itoobiya.

Waa xaalad halis ah maxaa yeelay Masar sidaa uma noolaan karto,” ayuu yiri Trump oo dhex fadhiya Xafiiska Ukunta ah ee Aqalka Cad isla markaana warka u sheegaya madaxda Suudaan iyo Israel.

“Ugu dambayn way qarxin doonaan biyo-xireenka, si cad baan cod dheer ugu sheegayaa, way qarxin doonaan. Waana inay si uun yeelaan,” ayuu yiri Trump oo aan u dhaqmaynin sida madax dal.

“Waxay ahayd inay joojiyaan inta aan la bilaabin,” ayuu Trump yiri, isagoo weliba ku daray in Masar la gaaday xilli ay ku mashquulsanayd kacaan yar 2011-kii.

Haatan waxaa usoo jawaabey RW Itoobiya oo “mid ma dhalays ah” ku tiilmaamay warka Trump.

“Itoobiya waa ay ka go’an tahay in ay ka dhabayso dhismaha biyo-xireenka una sinnaato, hanjabaadaha aad Itoobiya u gaysanaysana (Trump) waa kuwo ma dhalays ah.” ayuu yiri Raysalwasaaraha Itoobiya.

Hadalsame Media