DAGAAL BISADEED: Sucuudiga oo makhaayadaha ku amray inay Giriig ugu yeeraan BURGER watey magaca Turkiga + Sawirro

0

(Riyaad) 24 Okt 2020 – Sucuudiga ayaa dagaalka uu kula jiro Turkiga gaarsiiyey meel aad u hooseeysa kaddib markii burger-raddii watey magaca Turkiga lagu bedeley ”Giriig iyo Hindi.”

Makhaayadda silsiladda ah ee Herfy ayaa 2016-kii bilowday khidmaynta rootiga nafaqaysan ee Turkiga si ay u wanaajiso dookhyada cunto ee laga heli karo.

Yeelkeede, Sucuudiga oo ay Turkiga isku xumaadeen markii uu taageeray Qadar oo ay go’doomiyeen iyo khaarajintii Jamaal Khashuuqji oo ay Turkigu aad uga xumaadeen ugana dhiidhiyeen, ayaa haatan ganacsatadiisa ku amray inay qaaddacaan badeeco iyo adeeg kasta oo Turkish ah.

Sida uu qoray Daily Sabah, dukaamada Danube Supermarkets, Tamimi Markets, Othaim Markets iyo Panda Retail Company ayaa iyagoo raacaya amarka Boqortooyada reer Sucuud waxay joojiyeen badeecooyinkii Turkiga marka ay iibiyaan midda ay iminka hayaan.

Makhaayadda Herfy ayaa iyaduba Twitter-keeda ku sheegtay inay qaadacayso badeecada Turkiga maadaama “uu waajib ka saaran yahay dalkooda wayn”, sida ay sheegeen.

Yeelkeede, waloow la isku xumaan karo misna waxay dad badani la yaabeen sida uu nidaamka Sucuudigu u jecel yahay inuu qanciyo dalalka kale, balse uu aad ugu dadaalo inuu xumeeyo ama la xafiiltamo dalalka Muslimka ah, iyadoo aanay jirin sabab ay Giriig iyo Hindi ay Turki ugu dhaamaan Sucuudiga.

”Xitaa waxaa micne samayn lahayd inay rootiga ugu magac daraan iyaga dalkooda.” ayuu yiri Xaydar Cusmaan oo yaqaanna xiriirka caalamiga ah oo la hadlay Hadalsame Media.

Hadalsame Media