Arrin muujinaysa halis wayn & hubsi la’aan oo maanta Muqdisho ka dhacday + Sababta & Digniin

0

(Muqdisho) 24 Okt 2020 -Hayaay tani waa nabar gardaro!!

Maanta xaafadda warshada Caanaha Nin wado iska maraya ayaa caruur yaryari tuuryeeysay malaha wey iska fowdeynayeen, balse Ninkii baa inta ul yar meel ka soo qaatay caruurta iska canaano is yiri.

Caruurtii oo qaar qeylinayaan qaarna cagahooda kaga baxsanayaan iyo Ninkaan oo eryanaya oo ku dhex jira, ayaa dad xaafada degan oo dumar u badani ku soo baxay.

Deeto maxaa dhacay?!

Dumarkii baa horta iyaguna Af labadii dhawaaqay, oo waxey u qaateen Nin xaafada caruurta ka xadaya, saa guri walba oo meesha ka dhowaa baa laga soo kala booday rag iyo dumarba, waxna lama hubsane Ninkii baa qof kasta waxii uu awooday ama uu gacanta ku sitay mar qura korkiisa ku hubsaday.

Ninkii oo qeylinaya lana yaabban waxa uusan maleysaneyn ee ku dhacaya xaaladuna ay qasan tahay, welina uu gurmad kale oo iney wax ka dilaan raba ay soo socdaan, ayaa Nin oday ah oo xaafada wax ka degan oo bilowgii hore dusha kala socday dhagax tuurka caruurta iyo in ninkaani waddada iska socdey waxa lagu maleynayana uu bari ka yahay, inta soo orday Ninkii miskiinka ahaa Ilaaheey u bixiyey oo ka fujiyey dadkii.

Ninkii oo weli yaaban meel walbana laga garaafeeyay, xitaa dharkiisii jeextimo loo yeelay waxa lagu wada garaaceyna aan garaneyn, baa inta dadkii laga soo dhex baxshay oo geed hoostiis la fadhiisiyey.

Deeto inta biyo uu cabo loo keenay waxaa lagu yiri, “sxb horta naso waxa kugu dhacay waa leyska wareysanayaaye.”

Kaddib markii ay garteen dad xaafada wax ka deggan, gartiisana waxaa la ii sheegay in loo xilsaaray Odayaasha xaafadda.

Marka Anigu waxaan talo ahaan u soo jeedin lahaa, xaalado jira awgood Muqdisho waa caasimad kala shakisane, haddii adigoo waddo iska maraya ay caruur yaryari ku dhagxiyaan ha eryane horey u sii carar oo lafahaaga la baxso, haddii kale nabar gardarro u diyaar garow.

Maxaa yaab isdabayaal.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media