‘’Qiimayn ma arag’’ – Calool-xumadii ay la god gashay hoboladdeennii BAXSAN

0

(Muqdisho) 23 Okt 2020 – Seynab Xaaji Cali Baxsan waxay sannadkii 1935-kii ku dhalatay deegaanka Baabuli ee dhulkii Soomaaliyeed ee loo yaqaannay Hawdka, oo hadda loo garanayo Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Guduudo Carwo oo ahayd gabadhii u horreysay ee idaacad ka heesta ayey isku sannad dhasheen , markii dambena ay saaxibbo noqdeen waxayna magaalada Addis Abab ku kulmeen 1952.

Dad ka qayb-galay aaska Baxsan, oo ay ehelkeeda iyo qaar bahda fanka ka mida ku jiraan, waxa ay saluugeen sagootintii loo sameeyay meydka marxuumadda, waxaana dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ee ay lixdanka sano dartood u soo halgamaysa lagu dhaliilay in aanay Baxsan guddoonsiin maamuskii ay mudnayd oo ahaa in aas ballaaran loo sameeyo.

Mar la weydiiyay sida qiimihii dadku isu hayeen uu isu badalay, way qososhay waxayna tiri: “Fan iska daa, qof qofka kale qiimeynayaa maba jiro. Anigu ma arag, qof qiimeynaya qof kale”.

Sannadkii 2016-kii, wareysi ay siisay weriye Cumar Seerbiya waxay ku tiri: “Qiimo ma arag! dadku wuu is wada jeclaa, waa la is wada qiimeyn jiray. Darajo lahow ama ha lahaanin. Waa la isa soo dhoweyn jiray. Hadda labadii istaqaanaba way kala jeedaan. Cudur baa ku dhacay Soomaaliyee, caafimaad Alle ha siiyo!”

Magaceedu waa Saynab Xaaji Cali Siigaale. Si la mida ah gabdhihii Soomaaliyeed ee xilligeeda fanka soo galay ayay u lahayd koofaar magaceeda ku sidkan oo ahayd Baxsan.

Magaca Baxsan waxa u bixisay Shamis Abuukar, Guduudo Carwo. Saaxiibtinimada ka dhaxaysay awgeed, Baxsan sannadkasta booqan jirtay Guduudo oo dhawr iyo labaatan sanno ku xanuusnayd Hargeysa.

Xilli uu fanka miyuusigga watay ee Soomaalidu uu soo shaac-baxayay, dhif iyo dhaqan aanay dadku la qabsan ahaydna in ay gabdhuhu heesaan, ayey Baxsan ku soo biirtay heesaha. Xilligaas waxay haweenka ka baqi jireen in faquuq ay la kulmaan. Waxay ahayd wakhti inta badan heesaha cod ahaan loo duubi jiray oo muuqaallada la daawado aanan aad loo aqoonin.

Dumarkii heesay waxaa Baxsan ka horeeyay Guduudo Carwo iyo Khadiijo Cabdullaahi Dalays, waxaana la qiyaasayaa in gabadhii seddaxaad ee heesta ay ahayd.

Waxa ay Saynab Xaaji Cali Siigaale hanaqaadkeediiba ku indhafuratay dhulkii ay ku noolayd oo uu gummeystihii Ingiriisku ku daray boqortooyadii Xabashida.

Guuxa xornimadoonku waxa uu beryahaas si xooggan u gilgilayay dhammaan dhulalkii Soomaaliyeed ee uu gummeystuhu kala qaybsaday. Si gaar ah, deegaannadii ay u bidhaamaysay rajada madaxbannaanida ayaa noqday meelaha ay soo tiigsadaan qaar badan oo ka mida dhallinyaradii deegaannada kale joogtay ee hiyikacday, una hammuunqabtay in ay mar uun arkaan dal iyo dowlad ay ku abtirsadaan.

Saynab-baxsan ayaa ka mid ahayd jiilalkii berigaas ka soo tallaabay diillintii xuduudda ee lagu kala dhantaallay dhulka Soomaaliyeed, iyada oo soo gaartay goballada Waqooyi ee uu Ingiriisku ka talinayay.

Markii ay dhalatay dowladdii Soomaaliyeed ee ay ku midoobeen labadii gobal ee Waqooyi iyo Koofur, waxa ay Saynab ka mid noqotay ciidamadii Xoogga Dalka.

Soo-ifbaxa iyo saanqaadka fankeeduna waxa uu intiisa badan xiriir la lahaa ciidamada. Ruwaayaddii ugu horreysay ee ay Baxsan ka qaybgasho waxaa lagu magacaabi jiray Alla Aamin Ma Iisho, waxaana curiyay abwaan Axmed Saleebaan Bidde. Hees ay caan ku ahayd oo ruwaayaddaas ku jirtayna waxaa erayadeeda ka mid ahaa:

Dhowr gu’yaal baad guud dabnayd e
Yaad gaboobine guursa baan laa
Guri samaysaan talo ku goostee
Sow tan gees kale iila guurtay
Sida la ii galay, garawsan maayee
Geeri doortaye, maant aan go’o

Dhacdooyinka ay keydadka taariikheed ee ummadda Soomaalida ku gashay Baxsan waxaa ka mid ah, ka-qaybgalkeedii dagaalkii ugu horreeyay ee dhex mara Itoobiya iyo dowladdii Soomaalida, sannadkii 1964, markaas oo ay askartii Soomaaliyeed ee jiidda dagaalka jilbaha ku aastay tamar iyo taagba ka helayeen codkeedii macaanaa oo ay ku qaadeysay heeso ay ku guubaabinaysay kuna geessinimo-gelinaysay askartii dagaallamaysay.

Heesaha caanka ah ee illaa iyo maanta wax u dhigma oo ciidan Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyo aanan la helin waxaa ka mid ahaa heesta uu miraheeda curiyay abwaan Cismaan Aadan Askari ee dhahaysa:

Xudduudkan gadaaman
Ee gaalku sameystay
Inaan ka gudbaayo
Waan garanaayay
Geesiyaashii guntaayow
Geyshkaygow guuleysta
Guulaysta guuleysta
Guul lagu reeyo guuleysta

Waxaa Baxsan lagu xasuustaa in ay ka mid ahayd geesiyaashii ay dowladdii Soomaalidu billadaha ku guuddoonsisay kaalintii ay ka qaateen dagaalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ay la gashay Itoobiya.

Waxaana xusid mudan in billadaha ay heshay ay noqdeen qayb ka mida dhaxalkii xusuuseed ee ay ka reebatay waayaheedii faneed iyo midkeedii halgan ee nus qarniga ka badan soo taxnaa, kaas oo illaa ay ka geeriyootay ahaa mid aan laga waayin hareeraheeda iyo halkii ay ku noolayd.

Heesihii kale ee gobannimodoonka la xiriiray oo ay Baxsan ku caan-baxday waxaa ka mid ahaa tan ay dad badan u yaqaanaan Sabaalo, oo ay iyada iyo Cali Diiriye (Cali-gaab) wada qaadi jireen, Alle ha u naxariisto e. Heestaas oo uu erayadeeda sameeyay Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdillaahi Ciise Singub waxaa ka mid ahaa:

Dantu seeto weeyoo
Ninna kama siqaayoo
Sababtaa ma dhaaftide
Waan ku soo salaamiyo
Sidee tahayda guudnimo
Cudur kaama saartee
Silic laguma waaroo
Sahaydaad habeenkii
Lagu siin ma waydide
Waa saaddambiyo shalay
Sareedada adduunyadu
Saacad kala wareegtee
Saaddiyo ishaartii
La I siiyay xalay baan
Suurtoobin weliyee
Si’ ay noqon Allaa oge
Samir aan lahaano

Kaalintii faneed ee Baxsan, in kasta oo ay ahayd mid ballaaran oo baaxad weyn, haddana riwaayadihii caanka ahayd ee ay ka qaybgashay waxaa ugu caansanaa; Alle Aamin Ma Iisho oo uu Axmed Saleebaan Bidde allifay; Waraf iyo Shimbiro War Isuma Hayaan oo uu Cismaan Aadan Askari curiyay; Gar cadaawo iyo Caashaq oo uu Yuusuf Aadan Allaale curiyay iyo ruwaayaddii mar dambe filmika loo beddelay ee Cilmi iyo Caado oo uu Yuusuf Aadan Allaale allifay.

Saynab Xaaji Cali waxa ay tixgelin gaar ah ku lahayd fanka qaybtiisa waddaniga oo aad loogu yaqaannay.

Sida ay ku xustay wareysi barta Youtube-ka ku jira oo 2016 uu Xamar kula yeeshay weriye Cumar Seerbiya, qaadista heesaha waddaniyadda waxa ay ahayd mid ay Baxsan iyadu si gaar ah u jeclayd una dooratay.

Waxaase jira heeso dhowr ah oo jacayl ah oo ay ku caan ahayd, sida heeska ‘Cirradiyo Jacaylka’ oo uu erayadiida sameeyay abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise Singub, taas oo ay sheegtay in ay iyadu ka codsatay abwaanka mar ay la tacaalaysay jacayl da’ weyni ku halleelay.

Heesaha kale ee ay Baxsan qaadday oo kuwa aan kor ku soo xusnay aan ahayn waxaan ka mida:

1. Wax saar ama [Nin weyn waa og yahay wedkii dilayo] oo ay isla qaadaan Maxamed Yuusuf Cabdi (ahun) kuna jirtay ruwaayaddii Alle Aamin Ma Iisho ee uu curiyay Axmed Saleebaan Bidde

2. Toogo [waa tabaala adduun e, rabbi hay nala tiirsho] oo uu sidoo kale la qaado Maxamed Yuusuf Cabdi isla ruwaayadda horena ku jirtay

3. Dorraato miyaad illowday, oo uu la qaado Axmed Cali Cigaal, kuna jirtay riwaayaddii Dhedo Roob noqon wayday oo uu Cabdullaahi Diiriye Sooraan allifay

4. Kaftankuna inoo furan oo uu isla Cigaal la qaado kuna jirtay isla ruwaayadda Dhedo Roob Noqon weyday

5. Kibirka Waa lagu duma oo ay Cigaal wada qaadaan kuna jirtay isla ruwaayadda hore

6. Diiday Ha I Maqashiin oo ay wada qaadaan Xasan Aadan Samatar, kuna jirtay ruwaayaddii Gar Cadaawe iyo Caashaq oo uu allifay abwaan Yuusuf Aadan Allaale

7. Ma heshiin karayn, oo ay wada qaadaan isla Xasan Aadan Samatar, kuna jirtay isla ruwaayadda hore ee abwaan Yuusuf Allaale

6. Eebbow Mahaddaa (Niya udug leh. Sida ubaxa. Alleylehe helnee. Eebbow mahaddaa) iyo heeso kale

Ilaahay ha u naxariisto e, Saynab Xaaji Cali Baxsan oo dadka fanyaqaanka ah ay aaminsan yihiin inay ka mid ahayd gabdihii ugu horreeyay ee ku soo biira fan-masraxeedka Soomaalida, ayaa Talaadii, 20-ka Oktoober 2020, lagu aasay magaalada Muqdisho oo ay maalin ka hor ku dhimatay.

Waxaana ay geerideedu ifka ka gelbisay mid ka mida hooballadii ugu da’da weynaa ee ifka ku sii dambeeyay, xilli ay inta badan hooballadii waaweynaa ee fanka Soomaalidu ay dunida isaga carraabeen.

Sidoo kale, geerida Baxsan waxa ay kordhisay tirada fannaaniintii hore ee sannadkaan gudihiisa geeriyooday, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud Ismaaciil Xudeydi, Cabdi Tahaliil Warsame, Cumar Cabdule Shoolli iyo Daa’uud Cali Masxaf.

La yaabkuse waxa uu yahay in Baxsan, iyada oo nool ay saluugtay qiimo-tirka ay la kulmaan dadka waxgalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa Qoray: Maxamed Cabdullaahi Dhaaleey 

Hadalsame Media

Facebook Comments