Azerbaijan oo Armenia ka qabsatay dhul laga haystey muddo 30 sanadood ah (Guud ahaan dhulka ay qabsadeen)

0

(Baku) 22 Okt 2020 – Dagaalka Nagorno-Karabakh oo socda maalintii 26-aad, ayay ciidanka Azerbaijan waxay qabsadeen dhulka ku yaalla xadka Azerbaijan-Iran oo ay Iiraan haysatey muddo 30 sano ah, sida uu sheegay MW Ilham Aliyev, isagoo guushaas u dabaal degey.

Ciidanka Azerbaijani ayaa sidoo kale xoreeyey ilaa 20 xaafadood oo ay horay u haysteen ciidanka Armenia, sida uu sheegay.

Waxay taasi meelaha ay Azerbaijan qabsadeen ay ka dhigaysaa 5 magaalo iyo 112 tuulo.

Dagaalka gobolka Nagorno-Karabakh ayaa bilowday 27-kii Sebtembar kaddib markii ay Armenia isku daysay inay dhul cusub ka qabsato Azerbaijan, waxaana fashilmay 2 jeer oo la isku dayey in xabadda la joojiyo.

Hadalsame Media