Xisbiga Wadajir oo soo bandhigay khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay weerarkii lagu qaaday CCW

0

(Muqdisho) 21 Okt 2020 – Siyaasiga mucaaridka ah ee Wadajir ee Somalia ayaa soo bandhigey khasaarihii hantiyeed ee Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka gaarey weerarkii lagu qaaday 2017-kii.

Sida lagu soo bandhigay Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho waxaa weerarkaasi ku baaba’day ama ku luntay hanti iyo agab fara badan oo kala ah sidan soo socota:

Gaari aan xabbadu karin oo oo ku fadhiya $85,000, Apple Mac Computer, Galaxy Mobile, 3 Suud, 4 Surwaal, 7 Shaati, Hugo Boss Perfume [Cadar].

Waxaa kale oo uu xisbigu sheegtay Hard Disk, Laptop Surface pro 4, Iphone 6+, Glaxy 9, $35,000, Baasaboor British, Apple Disktop, 2 Ookiyaale.

Warsame ayaa markasta sheega in waloow laga xaalay khasaarihii nafeed ee weerarkaa ka dhashay oo magdhow badan laga bixiyey aan isaga marna raalli gelin toos ihi uga imanin dhinaca uu ku haysto weerarkan.

Hadalsame Media