Taiwan oo nin Chinese ah ku haysata dilka 4 qofood oo Soomaali ah (Maxkamad lasoo taagey & naxariis darrada ninka)

0

(Taipei) 21 Okt 2020 – Dacwad oogayaasha Taiwan ayaa maxkamad saaray kabtanka Chinese ah oo ay u haystaan inuu amray in la toogto 4 qof oo Soomaali ah muddo haatan 8 sanadood laga joogo.

Afarta nin ayaa lagu toogtey xeebaha Somalia, dhanka Badwaynta Hindiya bishii Sebtembar 2012-kii, iyadoo muuqaalka shilkan laga helay video lagu faafiyey internet-ka.

Ninka Chinese-ka oo kabtan ka ahaa doonida oo ay Taiwan leedahay ayaa qirtay inuu amray in Soomaalida oo lagu sheegay ”burcad badeed” weliba ´ la geeyey doonida uu wadey kaddibna lagu diley, iyadoo ay wehliyeen 3 doonyood oo kale oo sharci darro uga kalluumaysanayey.

Muuqaalka lama heleen balse nin baa mobayl uu ku jirey ku dhex illaawey gaari TAXI jasiiradda Fiji, halkaasoo uu qof ka helay kaddib soo dhigay Youtube 2014-kii.

Waxaa muuqaalka laga arkayaa afarta nin oo biyaha lagu tuuray oo ay qaar ku dheggan yihiin haraaga doonidoodii oo lagu asqaynayo 40 wareeg oo rasaas ah.

Kabtanka ayaa si saaxi ah loo maqlayaa isagoo afka Mandariinka ku amraya in la wada toogto.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee sida sharci darrada ah uga jillaabta xeebaha dayacan ee dalka Somalia oo aan lahayn cid ilaashata iyo dad fikiraya toona.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments