”Sug aan soo eegee!” – Garsoore VAR ka ishaaray horyaal aan aaladdaa lagaba isticmaalin!!

0

(Roma) 21 Okt 2020 – Garsoore Francesco Meraviglia ayaa gacanta u ishaaray sidii inuu tilmaamayo Muqaalka Kaaliyaha Garsoorka ee VAR kaddib markii uu gool bareejo ah ka diidey kooxda Reggiana oo la ciyaaraysey kooxda Ascoli.

Yeelkeede, waxaa xiise badan in aaladda VAR aan gebi ahaanba laga isticmaalin Horyaalka Heerka 2-aad ee Serie B.

Ascoli ayaa ciyaarta 2-1 ku hoggaaminaysey markii goolka laga dhaliyey daqiiqaddii 94-aad markii uu Augustus Kargbo uu goolka u saxiixay Reggiana, balse waxaa hobseed ku sheegay calan hayihii taasoo keentay inuu diido garsoore Meraviglia.

Garsooraha ayaa deeto muujiyey ishaaro uu ku muujinayo inuu VAR soo eegayo, isagoo ilaawey in aan aaladdaasi ka shaqaynin Serie B.

Nasiib wanaag go’aanka uu Meraviglia raacay wuxuu ahaa mid sax ah.

Hadalsame Media