Rwanda oo keentay qorshe loo bogay oo lagu baaro cudurka Covid-19 + Sawirro

0

(Kigali) 21 Okt 2020 – Cudurka faafa ee Covid-19 ayaa dalka Rwanda soo gaarey 3 bilood kaddib markii uu ka dillaacay dalka Shiinaha, sida ay xaqiijiysay dowladda Rwanda.

Haatan 8 bilood ku dhowaad kaddib, waxaa weli aad u yar dadka cudurkaa ugu dhintay Rwanda oo aan sidaa uga badnayn 30 qofood.

Waxaana dalkaa lagu amaanay sida hufan ee ay ula xaaleen cudurkan laayaanka ah oo ay dalal badan oo Afrikaan ah oo ay Somalia ku jirto xitaa la lunsaday dawooyinkii iyo agabkii loogu tala galay in lagula tacaalo.

Dr Menelas Nkeshimana, oo xubin ka ah La Dagaallanka Cudurka Covid-19 ee JTFC ayaa sheegay inay haatan heleen qaabab hufan oo ay kula tacaalaan baarista cudurka, sida uu qoray The New Times.

Rwanda ayaa xitaa keensatay robotyo si meesha looga saaro inay is taabtaan qofka buka iyo qofka baaraya, sida uu ka hadlay Dr Vincent Mutabazi oo sidoo kale ka mid ah JTFC, oo aad u amaanay tillaabadan.

Hadalsame Media