Haddii aad doonayso tusaalaha nin madax ah oo qaran dhidibada u aasay akhri sheekada Julius Nyerere kaddibna eeg Tanzania

0

(Hadalsame) 21 Okt 2020 – Tanzania, waxay ka mid tahay wadamada Afrika ugu wanaagsan xagga dhaqaalaha, nabad ku wadda noolaashaha dadka iyo hogaanka wanaagsan intaba.

Tanzania waxay nasiib u yeelatay markii xornimada ay qaadatay inuu Madaxweyne ka noqdo hogaamiye aan xoolo doon ahayn kaas oo ahaa Madexweynahii ugu horeeyey ee Tanzania lana oran jirey, Julius Nyerere, isagoo hogaaminayey intii u dhexeysay Sannadkii 1964-kii ilaa 1985-kii.

Hogaamiyahan waxaa uu ahaa caaqil aad u maskax badan. Wuxuu baray ummadda reer Tanzania dowladnimada iyo sidda la isku xukumo waxaana Tanzanianka oo ka kooban dad Muslim ah iyo kuwa Gaalo ah ay aqbaleen, in ay isla noolaadaan iyagoo hal wadan wada leh, oo kalana diin ah, kala qabiil ah, kala af ama luuqad ah, kala midab ah mararka qaarkood.

Waxaa lagu neynaasi jiray, Mwalimu Julious Nyerere, erayga “Mwalimu” waa maclin oo na tusaya in uu ahaa macalinka dadka Tanzania.

Waxaa kale oo loogu yeeraa oo meel kasta sawirkiisa aad ku aragto kor uga qoran “Baba wa Taifa (Father of the Nation). Aabaha qaranka”

Mwalimu Nyerere, markii uu xukunka ka tagay, guri ma lahayn xoolaha ummaddana ma boobin. Galabtii uu xilka ku wareejinayey Madaxweynahii xukunka kaga dambeeyay Ali Hassan Mwinyi, waxaa la sheegay in uu isku diyaariyey inuu u guuro tuuladii uu ku dhashay oo qiimad uu reerkiisu lahaa ku taalay, waayo caasimada guri kuma lahayn.

Odayaashii dowalada ku jiray oo xaalkiisa ogaa, ayaa ku yiri;

“Madaxweyne Guri ayaa dowladu ku dhisaysaa”. Wuxuu ugu jawaabay; “Qof kasta oo reer Tanzania ah, dowladu ma guri ayey u dhisaysaa”. “Maya” ayaa loogu jawaabay.

Haddii aad la yaabtay ama ay ku cajabisay shaqo wanaaga dalkooda iyo dadkooda reer Tanzania ay u qabteen Madaxweyneyaashii xukunka kaga dambeeyay Mwalimu Nyerere ogow waxaa macalin u ahaa hogaamiyahii isagoo guri aan laheyn xukunka ka tagay dadka reer tanzania mideeyay,

Halka Soomaali hadaanu nahay Macalimiinteenu kuwa madaxda inoo noqday badankood ay xumaayeen oo balaayo na bareen iyo wax aan nolosha qiimo u lahayn sida musuq maasuq xoolaha ummadda la boobo iyo (qabiil iyo qabyaalad wax lagu maamulo).

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Waxaa Diyaariyey: Bashiir Nuur Xersi

Hadalsame Media