Ethiopian Airlines oo ay duuliye ka noqotay gabadhii ugu horreeysey ee dalkaa u dhalatay

0

(Addis Ababa) 21 Okt 2020 – Ethiopian Airlines ayaa u hambalyaysay gabadhii ugu horreeysey ee Itoobiyaan ah oo duuliye ka noqota dalkaasi.

Gabadhan oo lagu magacaabo Kabtan Kalkidan Girma ayaa duulin doonta dayuurad ah nooca dhexe ee Yurub sameeyso Airbus A350.

“Haweenaydii, ugu horraysay ee Itoobiyaan ah oo maanta noqotay duuliye diyaaradeed.

Shirkada diyaaradaha ee Ethiopia Airlines.” ayay shirkaddu kusoo qortay Twitter-keeda.

Shirkaddan Ethiopian Airlines ayaa ah midda 1-aad ee qaaradda Afrika, halka ay sidoo kale ka mid tahay kuwa ugu waawayn caalamka ee sameeya duullimaadyada qaaradaha iskaga kala goosha.

Hadalsame Media