DF Somalia oo iyada oo aan fahmin laga lunsaday lacag malaayiin ah (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 21 Okt 2020 – Waxaa soo baxday in lacag in yar ka badan 6 milyan oo doollar lagu dhacay magaca Wasaaradda Caafimaadka DF Somalia, wax loo arkay musuq si heer sare ah u abaabulan.

Sida lagu sheegay Barnaamijka Galka Baarista waxaa lacagahan lagu shubtay koontooyin gaar ah oo magaca Wasaaradda looga furay bankiyo gaar ah, taasoo ay deeto deeq bixiyeyaashu lacagihii ku shubeen.

Howsha ayaa la sheegyaa inay ka socotey xafiisyo qarsoodi ah oo ku yaalla Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxaana howsha loo ekeeysiiyey mid ay ka warqabto DF, gaar ahaan wasaaraddu.

Lacagta oo guud ahaan ah 6.1 Milyan oo Doollar ayaa waxa DF Somalia ugu deeqay Hay’adaha Qaramada Midoobay ee kala ah UNPF, UNICEF & Hay’adda World Vission, waxayna u kala bixiyeen sidatan:

1. United Nations Population Fund (UNFP) oo bixsay: $3,400,000
2. Hay’adda Q/Mdioobay u qaabilsan Xanaananda Caruurta (UNICEF) oo bixisay $2,100,000
3. Hay’adda World Vision oo bixisay $575,000

Arrintan ayaa dad badan fajac ku noqotay iyadoo ay muuqanayso habacsanaan aad u ballaaran iyo xisaabtan la’aan sahashey musuqa heerkan gaarsiisan.

Hadalsame Media