”Cidina ma degin, cagna lama dhigin, calaacashii waxay soo saartay caws yaryar oo isaga oo aan wali la goosan qallalay!”

0

(Hadalsame) 21 Okt 2020 – Xilligu waa jiilaal jimcoon oo diraac-good ah lagu jiro, carradu ma aayo xuma oo caws iyo carshinba waa ay leedahay.

Dhirtu way wada madowdahay oo xabbad caleen ah dusheeda laga arki mahayo, macaa dhirta geed-madowga la yiraahdo ee caleenta xejista waa muruxsan yihiin, geed geed ayaa markaas wax xoogaa ubax xay cagaar ah saaray.

Geedkaan waa qurac wali xanan xigeen ah oo ay qodaxdii dimcaddu ku taal, laamihiisa qaarkood waxaa laga heli karaa dhuubab mayrax ah oo wacan. Abqada ka bixi kartaa ma badna.

Quracaan iyo dhirta kale ee malluugtoodu shishay ka muuqataba waa wada gasariir. Sababta dhirta sidaa u madoobaysay waxaa weeye, nurkii dhaweyd ayaan deegaantaan biyo-dhigin, sida ragga sahan-yaqaanka ahi ku hillaadiyeen nurkii dhoweyd deegaantaan calaacal baa ku hoortay, sidaa awgeed kulayl iyo hanfi baa dheeraad ku ah.

Cidina ma degin, cagna lama dhigin, calaacashii waxay soo saartay caws yaryar oo isaga oo aan wali la goosan qallalay, waxii sugud dhirta fuulayna xaab ahaan bay wali u hoos taal.

Ciiddeedu waa carrosan lagu negaan karo. Haa, geedka waxaa suran agab iyo alaab kala duwan, koor afjeex ah, caagad saddexle ah, shanlo saqaf ah, kolay… Iyo waxyaabo kale.

Xigasho: Ismaaciil A Gaafaa

Hadalsame Media