Qaar ka tirsan wasiirrada oo loo magacaabay xilal aysan xirfaddeeda lahayn (Waa imisa wasiir?)

0

(Muqdisho) 20 Okt 2020 – Waxaa xalay lagu dhawaaqay wasiirrada cusub ee Xukuumadda RW Rooble oo bedeley Khayrre oo xilka ka tegey 25-kii Luulyo kaddib xil ka qaadis muran sharci ihi ka dhashay.

Waxaa haddaba Xukuumaddan ka buuxa wasiirro hore oo ku jirey middii hore iyo kuwo cusub, halka qaar kale la xooray. Wasiirrada ayaa qaar badan lagu keenaa sida ay qof hebel daacad ugu yihiin halkii wax laga eegi lahaa inuu leeyahay xirfad u adeegaysa danta dalka.

Waxaan haddaba eegaynaa wasiirrada loo magacaabay xilal aysan khibrad u lahayn marka la eego waxa ay iyagu qof ahaan kasoo shaqeeyeen ama soo barteen oo ay xirfad u leeyihiin.

1 – Gen. Mukhtar Xusseen Afrax, Wasaarrada arrimaha gudaha, federaalka iyo Dib -u heshiisiinta. Waa jannan ciidan oo Wasiir Gudeed laga dhigay, taasoo qabanaysa maamul madani ah.

2 – Xassan Xundubey Jimcale, Wasaarrada Amniga Guddaha. Waa diblomaasi laga dhigay Wasiir Amni, oo ah u baahan qof istaraatijiiste amni ah ama wax ka yaqaanna siyaasadaha amaanka.
3 – Cabdulkadir Mohamed Nur (Jaamac), Wasaarrada Cadaaladda. Wuxuu ahaa Taliye Nabad Sugid oo loo dhiibey Cadaalad.

4 – Xassan Xusseen Xaaji, Wasaarrada Gaashaandhigga. Waa qarreen ama sharci-yaqaan loo dhiibey Wasaarad Gaanshaandhig oo millateri maamusha, waloow dad rayid ah oo maamulka bartay loo dhiibi karo waa inuu qofkaasi yahay mid wax ka yaqaan siyaasadaha amaanka.

5 – Maryan Aweys Jaamac, Wasaarrada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Waa qof beeraleey ah oo loo dhiibey Badda iyo Dekedo, waloow ay iyadu inta kale kaga fiican tahay inay shaqada soo haysey oo ay woxoogaa la qabsatay.

6 – Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasaarrada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka. Ma laha wax aqoon ah oo gaarsiisan heer Wasaaradeed sideedaba.

Hadalsame Media