Ilwaad Elman oo hanatay abaal marin caalami ah oo ay dad badani u taagnaayeen & dalka laga siiyey

0

(Berlin) 20 Okt 2020 – Ilwaad Elman oo u doodda dadka danyarta ah, haweenka iyo dhallinyarada ayaa heshay abaalmarinta caalamiga ah ee German Africa Prize 2020.

Ilwaad oo iminka 30-jir ah ayaa ka tirsan hay’adda Elman oo loogu magac daray aabeheed Elman Cali Axmed (AUN) oo Injineer ahaa aqoon ahaan oo Muqdisho lagu toogtey 1996-kii isagoo ka wada howlo samafal iyo bulsho dhisid ah.

Abaalmarintan oo uu bixiyo sanduuqa khayriga ah ee German Africa Foundation ayaa waxaa u sharraxnaa ilaa 30 musharrax, waxaana laga doortay Ilwaad.

Ilwaad oo Canada kasoo noqotay 2010-kii ayaa gacan ka gaysata caawinta agoonta, haweenka dhibban, carruurta la askareeyo iwm.

Hay’adda Elman Peace Center oo ay haatan ka shaqeeyaan Ilwaad iyo hooyadeed Fartuun Aadan, ayaa waxaa ka shaqeeya 172 shaqaale ah iyadoo laamo ku leh ilaa 8 gobol oo Somalia ah.

Hadalsame Media