”Ma aha sida aad wax u qorshaynayso!” – 9-ka Wasiir ee sawirka ka muuqda 3 waa la cayriyey, 3 waa dhinteen, halka 3 ay la dheceen xukuumadda (Qoraal micne xambaarsan)

0

(Hadalsame) 19 Okt 2020 – Waa 2017-kii. Waa sagaal Wasiir oo garbaha isku haya oo ka mid ah Xukuumad uu markaa uun Baarlamaanku kalsooni siiyay laguna hor dhaarinayo.

Xusuus keliya ma aha ee mar kasta oo aan masawirkan eego wuxuu igu dhaliyaa feker hor leh. Wuxuu i taabsiiyaa sida marka aan qorshe sameysaneyno aan u moog nahay tan Rabbi.

Sagaalka Wasiir ee sawirka ka muuqda, saddex ka mid ahi waa ay geeriyoodeen. Allah ha u naxariisto.

Saddex waa laga saaray Golaha

Saddexna waxay ka mid noqdeen Xukuumaddii uu Baarlamaanku kalsoonida kala noqday Bartamihii 2020, iyaga oo kala qeybsan oo qaarna ay ridayaan Golihii ay ka tirsanaayeen, qaar laga tiro batayna ay is leeyihiin daafaca.

Sagaalka Wasiir ee garbaha isku hayay, ku socday qorshaha Xukuumaddu, dariiqyada aan qaar ka soo noqoshada lahayn ee ay mareen, midna kuma fekereyn maalintaas.

Haddii uu magacaagu ka soo dhex muuqdo Golaha Cusub ee la sugayo, qorshe la’aan ha noqon. Laakiin qorshahaagu yaanuu ku koobnaan sida aad jeclaan lahayd oo keliya.

Is weydii sida dhici karta oo iyadana ka feker.

Waxaa Dhigay: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media