”Hooyo waa la i haystaa ee macasalaama!” – Muqdisho oo ay kasoo korortay arrin kurbo ku haysa dadwaynaha & DF oo ka gaabisay

0

(Muqdisho) 19 Okt 2020 – Waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaya sheekooyin ku saabsan nidaam abaabulan oo dad qalnimo ah oo ay ka dambeeyaan dadka gurta xubnaha insaanka amaba kuwa ka ganacsada jinsiga, iyadoo farta lagu fiiqayo meelo kala duwan.

Waxyaabaha la sheegayo waxaa ka mid ah inay jiraan dad isku deyaya inay carruurta ka dafaan gacmaha waaliidkood ama cidda ay markaas la socdaan, sida ka dhacday Degmada Kaxda oo haweenay bur wejiga soo marsatay ay ilmo yar kula dhegtey hooyadood, markii la qabtayna waa lasii daayey iyadoo loo cuskaday ”in madaxa looga jiro.”

Waxaa sidoo kale beri dhowayd Afgooye lagu qabtay laba nin oo markaa gaari caasi saarayey gabar yar oo ay Muqdisho u wadeen, waxaa kasii horreeysey ilmo kale oo nin dayuurad la socdey uu u dhiibey nin kale oo markaa ku sugnaa Garoonka Dayuuradaha Dhoobley balse aanu dib ugu soo laaban.

Waxaa jirey wiil kale oo yar oo isna laga afduubtay xaafadda Ciise Cabdi ee Gubta, kaasoo maalmo kaddib lasoo daayey iyadoo aan war laga helin halka lagu hayey iyo sababta.

Waxaa ugu dambaysey gabar la yiraahdo Hibo Maxamed Xasan oo dharaar cad lagu afduubtay magaalada Muqdisho, taasoo warar ka yimid dhanka ehelkeedu ay sheegayaan inay reerkeeda telefoon usoo dirtay una sheegtay in la haysto, balse aanay aqoonin meesha lagu haysto kaddibna telefoonkii laga qaaday lana damiyey.

Waxaa arrintan eed laga saarayaa DF Somalia iyo hay’aadka amaanka oo aan si firfircoon ula xaalaynin isla markaana aan muujinaynin inay dareensan yihiin xasaasiyadda iyo khalkhalka ay umadda ku hayso, mararka qaarna waxayba dadku sheegayaan in si fudud lagu sii daayey eedaysanayaal ay dadwaynuhu soo xireen.

Hooyada gabadha haatan la qafaashay oo lasoo xiriirtey weriye Munasar Maxamed, waxaad kala xiriiri kartaa lambarradan: 252615593977 ama 0618450020.

Hadalsame Media