”Hadda adduunka waa uga horreeynaa!” – Turkiga oo muuqaallo cusub ku daraya ”Rasaasta Caqliga leh” ee uu sameeyo + Sawirro

0

(Ankara) 19 Okt 2020 – Shirkadda Turkishka ah ee Rokestan ayaa doonaysa inay ballaariso qorshaha ay ku farsamayso waxa loo yaqaanno ”Rasaasta Caqliga leh (MAM), ee ay adeegsadaan daroonnada dalkaasi iyo kuwa kale ee ay caalamka ka iibiyaan.

Rasaastan ayaa lagu darayaa muuqaallo hor leh oo cusub si loogu adeegsado meelo kala geddisan, sida uu shalay sheegay Guddoonka Roketsan ee Murat İkinci.

İkinci ayaa Anadolu Agency (AA) u sheegay in arrintani ay daroonnada Turkiga ee is wada (UAV), gaar ahaan kuwa Bayraktar TB2 ay muhiimad gaar ah u yeeshay.

İkinci ayaa intaa raaciyey in ay sababtu tahay daroonnada Turkiga oo badiyaa isticmaalaha hubka loo yaqaan ”Rasaasta Caqliga leh” ee MAM oo iskugu jira gantaalaha MAM-L iyo MAM-C, kuwaasoo mudnaan gaar ah oo dhanka awoodda iyo saxnaanta duqaynta siiya daroonnada Turkiga.

Wuxuu sheegay in ay ku dedaaleen inay sii hormariyaan, taasoo keentay inay dhiggooda kaga dheereeyaan dhanka farsamada hubka MAM, marka la eego jawaabaha uga soo baxaya meelaha loo adeegsadey.

Hadalsame Media