Garsoorihii qabanayey kulankii Crotone-Juve oo Serie B laga tuuray (Shaki jira)

0

(Roma)19 Okt 2020 – Garsoorihii qabanayey kulankii Crorone vs Juventus ee Francesco Fourneau ayaa loo dhaadhiciyey heerka 2-aad ee Serie B.

Garsoorahan reer Roma ayay dhexdhexaadintiisa qawadeen taageerayaasha Juve kulankii 1-1 ku dhamaaday ee lagu ciyaaray magaalada Calabria.

Waxaa haatan garsooraha 4-aad ama xeel ilaaliye looga dhigay kulanka derby-ga Calabrese-ka ee Serie B ee Reggina iyo Cosenza.

Fourneau ayaa kulankii Crotone-Juventus ee Sabtigii wuxuu ka sameeyey bandhig aan looga baran garsoorayaasha qabanaya kulamada Bianconeri.

Tusaale, Fourneau ayaa gool ka diidey Juve, waloow uu ku saxnaa oo uu ahaa hobseed sinti mitirro ah, wuxuu deeto rooso qallalan siiyey Chiesa (kaasoo waloow uu sax ahaa misna darnaa), wuxuu sidoo kale Juve ka dhigay rigoore.

Ciyaarta kaddib ayay taageerayaashu ku kaftamayeen in tilaabo laga qaadi doono iyo in kale, balse ma cadda in ay sidaa tahay waayo garsoorayaashu waa isku qaban karaan labada heer caadiyanna ma jiro khalad uu galay garsooruhu.

Hadalsame Media