Gabadhii shalay Muqdisho laga qafaashay oo Guriceel lagu qabtay & sida ay ku suuragashay

0

(Guriceel) 19 Okt 2020 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay gabar shalaytoole laga soo afduubtay magaalada Muqdisho.

Hibo Maxamed Xasan ayaa la sheegay in shalay subaxdii laga qafaashay xaafadda Shanta Geed ee degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir, waxaana gaari kula baxsaday rag hubaysan.

Sida aannu horay u qornay Hibo ayaa wacaalkii ugu dambeeyey ee laga hayey ahaa iyada oo qoyskeeda telefoon markii dambe laga qaaday ugu sheegtay inay ”col u gacan gashay” oo aysan aqoonin meel ay joogto iyo cidda afduubatay toona.

Yeelkeede, Hibo ayaa ayaa la sheegayaa in lagu qabtay Guriceel, kuwaasoo gabadha dejiyey kaddib markii ay ka cabsadeen inaysan gabadha la dhaafi karin koontorool wax lagu baaro oo ku yaalla afaafka hore ee magaalada Guriceel.

Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Guriceel, Dhamme Cismaan Cali Hudey, oo goordhaw la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa xaqiijiyey in ciidanku ay gacanta ku dhigeen gaari rakaab ah oo ay saarnayd Hibo Maxamed Xasan, waxaana uu taliyuhu sheegay in dhamaan dadkii saarnaa gaariga la hayo baarisna ay ku socoto.

Hibo ayaa markiiba lagu wareejiyey Ciidanka Amaanka ee Galmudug waxaana lala hadashiiyey qoyskeeda oo walbahaarsanaa, iyadoo ay arrintani qayb ka tahay falal argagax leh oo laga soo sheegayo meelo kala duwan oo ka tirsan Somalia.

Hadalsame Media