DEG DEG: Golaha Wasiirrada oo lagu dhawaaqay iyo raad ka dhex muuqda

0

(Muqdisho) 19 Okt 2020 – Waxaa lagu dhawaaqay Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda RW Max’ed Xuseen Rooble, taasoo ay ka buuxaan Wasiirradii Khayrre oo qaar boosaska loo kala bedeley.

Wasiirrada booskoodii laga bedeley waxaa ka mid ah Khadiijo Max’ed Diiriye oo loo dhiibey Maaraynta Musiibooyinka.

Wasiiradii aadka ugu dhowaa MW Farmaajo ayaa inta badan soo noqday halka RW Xigeenka booskiisii loo daayey.

Waxaa gebi ahaanba la xooray Wasiirradii Warfaafinta Md Maareeye iyo Wasiir Goodax Barre oo Waxbarashada ahaa oo uu isaga cadaadis gaar ihi haystey.

Waxaa sidoo kale baxay Gaashaandhigga, Gudaha, Is Gaarsiinta, Adeegga Bulshada iyo qaar kale.

3 Wasiir oo ay Khayrre aad iskugu dhowaayeen ayaa la wada tuuray waana Gudaha, Amaanka iyo Isgaarsiinta.

Wasiirradan ayay hortaallaa howl adag maadaama loo baahan yahay in dalka loo diyaariyo doorasho, iyadoo ay 3 bilood qaadatay duminta XF ee hore iyo middan cusub, taasoo waqti badan cuntay.

Halkan hoose ka akhri….

1– Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisul Wasaare Ku -Xigeen

2– Cabdulkadir Mohamed Nur (Jaamac), Wasaarrada Cadaaladda

3– Cumar Cali Rooble, Wasaarrada Arimaha Diinta iyo Owqaafta

4– Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasaarrada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

5– Gen. Mukhtar Xusseen Afrax, Wasaarrada arrimaha gudaha, federaalka iyo Dib -u heshiisiinta

6– C/Raxmaan Ducaale Bayle, Wassaaradda Maaliyada

7– Xassan Xusseen Xaaji, Wasaarrada Gaashaandhigga

8– Xassan Xundubey Jimcale, Wasaarrada Amniga Guddaha

9 – Axmed Ciise Cawad Wasaarrada Arrimaha Dib iyo Iskaashiga Caalamiga ah

10– Cabdullahi Abuukar Xaaji, Wasaarrada Waxbarshada iyo Taclinta Sare

11– Maryan Aweys Jaamac, Wasaarrada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

12– Jamaal Maxamed Xassan, Wasaarrada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta

13– Saalax Axmed Jaamac, Wasaarrada Arrimaha Dastuurka

14– Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar), Wasaarrada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka

15– Khaliif Cabdi Cumar, Wasaarrada Ganacsiga iyo Warshadaha

16– Saciid Xusseen Ciid, Wasaarrada Beeraha iyo Waraabka

17– Cusman Abukar Dubbe, Wasaarrada Warfaafinta iyo Dalxiiska

19– Xanifa Mohamed Ibrahim, Wasaarrada Haweenka iyo Xuquuqul -insaanka

20– Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasaarrada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

21– Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasaarrada Batroolka iyo Macdanta

22–Xusseen Maxamud Sheekh Xusseen (Badni), Wasaarrada Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

24– Xassan Cabdi Nur, Wasaarrada Tamarta iyo Biyaha

25– Duraan Axmed Faarax, Wasaarrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

26– Maxamed Adan Mocalim (Somali), Wasaarrada Hawlaha Guud, Guriyeenta iyo Dib -udhiska

27– Xamze Saciid Xamze Wasaarrada Dhalinyarada iyo Isboortiga

Hadalsame Media