Azerbaijan oo sheegtay inay maalintii 2-aad oo xiriir ah soo riddey dayuurad ay leedahay Armenia & meelo ay qabsatay + Sawirro

0

(Baku) 19 Okt 2020 – Azerbaijan ayaa sheegtay inay shalay markale soo ridey dayuurad dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Armenia oo ah nooca Su-25, taasoo ku nooc ah mid kale oo ay rideen Sabtigii, sida lagu qoray Anadolu.

Wasaaradda Gaashaandhigga Azerbaijan ayaa sheegtay in dayuuraddani ay xilligaa weerar ku haysey bartilmaameedyo ku yaalla gobolka Jabrayil, sida tii horeba, iyadoo dhulka lasoo dhigay shalay duhurkii 12:30 p.m. (0830GMT).

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Hulusi Akar, ayaa Azerbaijan ugu hambalyeeyey dayuuradaha ay soo rideen, sida ay sheegtay isla Wasiirka Gaashaandhigga Turkigu.

Shalay mar sii horreeysey, waxay Wasiirka Gaashaandhigga Azerbaijan sheegtay in Armenia ay jebisey xabbad joojin aadminnimo oo la doonayey inay hirgasho Sabtigii saqdii dhexe, waloow ay Armenia sidoo kale ku eedaysay dhanka kale.

Dhanka kale MW Azeeriyiinta, Ilham Aliyev, ayaa sheegay inay xorreeyeen tuulooyin ilaa 13 gaaraya oo kala ah Soltanli, Emirvarli, Mashanli, Hasanli, Alikeykhanli, Gumlag, Hajili, Goyerchinveysalli, Niyazguzlar, Kechel Memmedli, Shahvelli, Haji Ismayilli iyo Isagli oo ka wada tirsan Jabrayil.

Hadalsame Media

Facebook Comments