5 qodob oo muujinaya inay khalad tahay in QAADKA Itoobiya la fasoxo midka Kenya-na la xannibo

0

(Hadalsame) 19 Okt 2020 – DF Somalia ayaa la sheegayaa inay fasaxday Jaadka Itoobiya, jeer uu weli xiran yahay midka Kenya uga yimaada Somalia, taasoo lagu tilmaamay arrin dhowr qodob ku khaldan.

1 – Qaadku sidiisaba waa mid ka mid ah cilladaha ugu waawayn ee haysta qaranka Soomaaliyeed, haddiiba aanu midka koowaad ahayn, sidaa darteed, waa in joojintiisa iyo kordhinta canshuurtiisa ay ka dambeeysaa dan bulsho ee aan siyaasad uun la eegin, marka haddiiba uu Jaadkii imanayo in midka Kenya la joojiyaa micne badan dhankaa ka samayn maayo.

2 – Waloow aynaan isku fiicnayn Kenya oo runtii wadda siyaasad aysan lafteedu si qoto dheer uga baaraandegin oo liidata oo mudan in lala hardamo, misna weli xiriirka labada dal ma go’in, annaguna ma nihin dal haatan isku toosan ama midaysan oo haba qaraaraadee hal go’aan qaadan kara, waxaana tusaale noogu filan hab-dhaqanka liita ee madaxda maamullada qaarkood oo had iyo goor dalka u nugleeya cadowga.

Taas waxaa sii dheer, inay Soomaalidu dano badan ku leedahay Kenya oo aysan fiicnayn in xiriirka la wada jaro iyadoo aan dabcan Kenya laga akhrisanayn inay wax u dhinto danaha qaran ee Somalia iyo dhulalka ay sheeganayso, ayaa misna loo baahan yahay qorshe miisaaman macquulna ah oo maskax fadhida lagu dejiyey in lagula macaamilo.

3 – Kenya waxay ka mid tahay Ciidanka AMISOM waxayna ku jirtaa caloosha Somalia, marka haddii aannu doonayno in aannu la galno hardan heerkiisu sarreeyo, waa in aan marka hore dalka ka saarnaa.

4 – Waloow ay Somalia cadow badan tahay misna inta badan waxaa eedda iska leh Soomaalida lafteeda, waayo shisheeyuhu galaangal uma yeelan karo dal ay dadkiisu jirtaan, haddaba, intii cid kasta lala colloobi lahaa waa inay Somalia isu muujisaa dal nabad doon ah oo diyaar u ah inuu nabad kula noolaado dalalka deriska, ugu yaraan waqti xaadirkan oo aysan Somalia si fiiqan iskugu taagi karin cidna, si aan dunidu noogu arkin dal fongoran oo foowdo uun soo wada, taasoo ah waxa ay Kenya doonayso inay caalamka ka dhaadhiciso marka ay ku fariisato kursiga Golaha Amaanka.

5 – Qaadka Kenya haddaba wuxuu qaab tahriibis iyo toosba ku tagaa meelo badan oo Somalia ka tirsan oo ay ugu horreeyso caasimadda dalka ee Muqdisho, isagoo dalka ka gala cir, dhul iyo badba, marka joojintiisu waa inuu iska astaan ee ficil maaha.

Deganaani cidna waxba kama dhibtee aan fudayd iska jirno.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media