3 sababood oo aanu xeerka u waafaqsanayn xarigga Cabdullaahi Kulmiye

0

(Muqdisho) 19 Okt 2020 – Haddii Kulmiye lagu haysto waraysiga uu qaaday waxay muujinaysaa inay DF Somalia ay ka wareersan tahay marka 2 sababood la eego.

1 – Weriyuhu warka kama daynayn Raadiyo uu isagu leeyahay oo wuxuu u shaqaynayey hay’ad warbaahineed, iyadaana dejisa siyaasadda loo raacayo wixii la baahin karo sidaa darteed waa in idaacadda la waydiiyaa.

2 – Waxaaba caadiyan la waraystaa ragga uu ninkani sheegayo inuu taageersan yahay, raggii horay usoo waraystayna waxaaba ka mid ah Madaxa NISA.

3 – Dunida haddii uusan qofku dembi iyo kharbudaad ficil ah gaysanin inta badan qof dembi toos ah loogama dhigo inuu taageero afka ah muujiyo, waloow uusan fiicnayn in uu qof taageero dad bulshada dhibaato ku haya.

Sidaa darteed, Kulmiye waa in xorriyaddiisa dib loo siiyaa tan kale waa in la joojiyaa in uu qof iska xirnaado iyadoo aan maxkamad lasoo taagin oo aan dembigiisa bulshada la ogaysiinin.

 

Hadalsame Media