Turkiga oo si wadareed usoo saaraya taangi casri ah oo uu sameeyey + Sawirro

0

(Ankara) 18 Okt 2020 – Taangiga Tulpar ee uu Turkigu sameeyo ayaa haatan diyaar u ah in si wadareed loosoo saaro, sida uu sheegay Serdar Görgüç, Maareeyaha Guud ee Otokar, iyadoo la waafajinayo baahida ciidanka lugta iyo kuwa komaandooska.

Taangiga Tulpar ayaa la waafajinayaa baahida ciidamada kale ee caalamka min xirfadda, suuqa ilaa qiimaha, si uu ula tartamo tawaangida kale ee noociisa ah, isagoo qaban kara doorar kala geddisan.

Wuxuu leeyahay muuqaallo ay ka mid yihiin inuu fudud yahay, inay ku xirmayaan qoryo kal duwan iyo gantaalo, inuu unug ciidan ah qaadi karo, qayb sirdoon ah, talis guur guura, difaac cireed iyo dhoolli ama aambalaas dhaawaca qaada.

Magaca Tulpar wuxuu ka yimid sheeko xariiro ay leeyihiin dadka Turkic-ga iyo Tataarka ah waana faras baalal leh oo hadda kahor Turkiga difaacey, sida ku cad sheeko xariirada.

Hadalsame Media