Kenya oo si cad uga hor timid inuu Maraykanku ciidankiisa kala boxo Somalia + Sababta

0

(Nairobi) 18 Okt 2020 – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarad Dibadeedka Kenya, Kamau Macharia, ayaa ka digey inuu Maraykanku ”khalad wayn” ku kacayo haddii uu Somalia kala boxo ciidamadiisa.

Maraykanka ayay Somalia ka joogaan ciidan lagu qiyaaso 600 oo askari oo uu inta badan keenay Donald Trump 2017-kii, taasoo ah tirada ugu badan ee dal qura ka joogta marka loo eego qaaradda oo idil oo ay ka joogaan 7,000 oo askari.

Ciidamada Maraykanka ayaa tababar siiya kuwa DF gaar ahaan Danab oo ay sidoo kale ka caawiyaan howlgallada dhank cirka, waxaana la fahamsan yahay inaysan ku faraxsanayn taliyaha ciidankaas oo u xiran DF oo aan weli soo bandhigin dembi rasmi ah oo lagu haysto.

”Bixitaanka ciidamada Maraykanku waxay sii xumaynaysaa xaaladda Somalia. Waa inay ciidanku waqti ka yara dheer sii joogaan oo ay ka caawiyaan in la dardaro meelaha ay kooxaha mintidku ku badan yihiin,” ayuu soo jeediyey Kamau Macharia.

Kamau Macharia ayaa sheegay in taageerada Maraykanka ee Somalia ay gobolka ka dhigtay mid ka nabdoon sidii hore, taasoo kaliya lagu joogtayn karo in jaalnimadaa lasii amba qaado.

Taliyaha Ciidanka AFRICOM, Stephen Townsend ayaa horraantii sanadkan ka dhawaajiyey inay Somalia joogi karaan ilaa 2027-ka, yeelkeede, Brian Higs oo ah cilmi baare ayaa soo jeediyey in ciidamadaasi aanay dan Soomaaliyeed u joogin, sidaa darteed, Soomaalida oo qur ihi ay keeni karto nabad ka islaaxda dalkooda.

Hadalsame Media