Ciidanka Azerbaijan oo soo ridey dayuurad Armenian ah (Hal degmo & 7 tuulo oo ay qabsadeen)

0

(Baku) 17 Okt 2020 – Ciidanka Azerbaijan ayaa xoreeyey magaalada Fuzuli iyo ilaa 7 kale oo ay haysteen ciidanka Armenia kuwaasoo ku yaalla Gobolka Nagorno-Karabakh ee laga haysto Azerbaijan, sida uu sheegay MW Ilham Aliyev maanta.

“Ciidanka sharafta leh ee Azerbaijan ayaa xoreeyey magaalooyinka Gochehmedli, Chimen, Chuvarli, Pirehmedli, Musabeyli, Ishigli iyo Dedeli oo wada hoos taga Degmada Fuzuli! Karabakh waa Azerbaijan!” ayuu Aliyev kusoo qoray Twitter-ka.

Dhanka kale, Ciidanka Daafaca Cirka Azerbaijan ayaa dhulka soo dhigay dayuurad ay leeyihiin Armenia oo ah nooca Ruush sameega ah ee Su-25, kaddib markii ay isku dayday inay weerarto ciidanka Azerbaijan ee jooga agagaarka magaalada Jabrayil saacadu markii ay ahayd 11:11 a.m. aminta maxalliga ah.

Xiriirka labadan Jamhuuriyadood ee Soofiyeetka ka tirsanaan jirey ayaa qaraaraa tan iyo 1991-kii, markii ay Armenia qabsatay Nagorno-Karabakh oo 20% ka ah geyiga Azerbaijan, isla markaana ay QM u aqoonsan tahay dhul laga haysto.

Hadalsame Media