Somalia oo wajahaysa doorasho noqon kartaa middii abid ugu MUSUQA badnayd & waxa nala gudboon

0

(Hadalsame) 16 Okt 2020 – Siyaasaddu waa xeeladda isku tosha damacyada is diidan iyo danta guud ee dal iyo dad leeyihiin. Siyaasigu waa dawaarre dun, irbad, maqas iyo maro haysta, iskuna tolaya, si xarrago leh.

Shaqada makiinadda marada tolaysa rabto waa aqoon durugsan, ildheeri iyo dhiifooni, si aadan daloolka irbadda iyo dunta iskula waayin.

Dalkeennu waxuu dhex maquuranayaa qaab dhismeed dowladnimo oo aqoon, faham iyo falsafad dowladnimo u baahan. Maradu waa federaalka baahinta maamul iyo daadejinta adeegyada innaga sugaya. Irbadda iyo duntu waa sharciga isku tolaya dadka iyo dowladda. Maqasku waa hey’adaha amniga ee cadowga dowladnimada diidan kala goynaya.

Shaqada dowladnimo ee dalkeennu rabo waa maro harqaan saaran oo sugaysa farsamo yaqaan si farshaxan leh u toli kara.

Wakiilada Golaha Shacabka iyo guurtida Aqalka Sare, innagu metelaya ayaa ugu horreeya farsamo yaqaannada loogu baahi badan yahay, inta aan Hogaamiye/Madaxweyne laga wadahadlin.

Murashax xildhibaan ee aan aqoon dowladnimo, hal–abuur iyo hufnaan dadnimo laheyn, waa harqaanle aan meheraddiisa aqoon ee ka fikir shaqsiga kugu metelaya dhab–u–heshiisiin waarta, dhammeystir dastuur, tiro koob dadweyne iyo isla xisaabtan dowladnimo oo dastuur xeer u yahay.

Waxaa Qoray: Mahad Geelle

Hadalsame Media