Norway oo musaafurin & sharci kala noqosho iskugu dartay hooyo Soomaaliyeed + Sababta

0

(Oslo) 16 Okt 2020 – Haweeneydan (33 jirka ah) ayaa heshay go, aanka UDI ee ku saabsan masaafurinta joogtada ah iyo kala noqoshada sharciga deganaanshaha.

Sanadkii hore, haweeneydan ayaa lagu xukumay labo sano iyo sagaal bilood oo xabsi ah ka dib markii ay ka qeyb qaadatay IS. Waxaa sidoo kale lagu xukumay inay taageero dhaqaale siiso ururka argagixisada. Haatan haweeneydii ayaa dhammeysatay xabsigeeda.

Haweeneydan oo 33 jir ah ayaa magangalyo doon ahaan uga timid dalka Norway sanadkii 2013. Waxay heshay sharci degenaansho ku meel gaar ah waxayna degtay Nordfjord ee Galbeedka Norway.

Xilligii dayrta ee 2017, haweeneyda ayaa isku dayday inay u safarto kooxda argagixisada ah ee IS ee Suuriya, sida ku xusan xukunka ka dhanka ah.

Halkaas oo ay ahayd inay ku guursato nin ajnabi ah oo u dhashey Norwey-Soomaali ajaanib ah oo u soo halgamay IS. Haweeneyda ayaa wadada laga soo celiyay loona gacan galiyay Norway.

Bishii May ee sanadkii hore ayay UDI-du go’aan ka gaadhay masaafurinta joogtada ah ee haweeneyda.

Intii ay socotay dhageysiga dacwada maxkamada degmada Oslo, waxaa lasoo bandhigay fariimo farabadan oo udhaxeeyay 33 jirkan iyo ajaaniibkaa norwiijiga-soomaaliga ah ee ay la kulmi laheyd Syria.

Haweeneyda ayaa lagu xiray dalka Austria bishii Nofeembar ee sanadkii 2017. Waxay wadatay 50,000 oo karoon iyo baasaboor been abuur ah.

Sida ay sheegeen dacwad oogayaasha, waxay markaas kusii jeeday Syria si ay ula kulanto dagaalyahan ajaanib ah oo norwiiji-Soomaali ah

Waxay lafteedu sheegtay inay u socoto Soomaaliya si ay ula kulanto wiilkeeda oo aad u xanuunsaday.

Xigasho: Somaliska

Hadalsame Media