Golaha Amaanka oo ku dheggan Imaaraadka Carabta & Maamulka Puntland (Maxaa lagu haystaa?)

0

(New York) 16 Okt 2020 – Gudiga Golaha Amaanka ugu qaybsan arimaha la socodka cunaqabataynta hubka ka saaran Somalia ayaa sheegay inay jawaab ka la’yihiin Maamulka Puntland iyo dalka Imaaraadka carabta, kuwaasoo diiddan inay kasoo jawaabaan waxa ay siddey dayuurad ciidan oo ay leeyihiin Imaaraadka Carabta oo bishii Maarso 5, 2020 ka degtay magaalada Boosaaso.

MAXAA TUHUNKA KEENAY? Maalintii ay diyaaraddan, oo halkaa gaysa sahay ay u waddo ciidamo ay iyagu gaar u samaysteen, balse lagu sheego magaca Ciidanka Badda Puntland, ay Boosaaso imanaysay ayaa la sheegayaa in dhammaan dadkii iyo shaqaalihii laga wada saaray garoonka Boosaaso.

Guddiga ayaa sheegay in qaraarka 2498 uu qabo in dalkii, maamulkii iyo cid kasta oo aan ahayn DF Somalia oo hub gaynaysa Somalia ay iyaga guddiga ah lala soo socodsiiso.

Waxay sheegeen in ay 8-dii Abriil 2020 oo ah bishii xigtey ay warqad rasmi ah oo ay ku doonayaan bayaan caddaynaya shixnaddii dayuuradda ay u direen Imaaraadka, balse aanay u soo jawaabin ilaa haatan, sidoo kale Maamulka Puntland oo ay la xiriireen ayaa sidaa oo kale yeelay.

Imaaraadka ayaa dalal badan oo gobolka ah ka wada howlgallo uu ku fadqallalaynayo amaankooda iyo danahooda qaran isagoo adeegsanaya siyaasiyiin uu lacago siiyo, balse wuxuu sidaa ku noqday dal fongoran oo aad u sumcad beelay sanadihii dambe.Hadalsame Media