SAWIRRO: Laba dayax-gacmeed oo berri isku dhici kara + halista (Goorta, goobta & dalalka iska leh)

0

(Hadalsame) 15 Okt 2020 – Markii 2-aad sanadkan 2020, ayay dadka ku talax tegey umuuraha hawada sare waxay ka digayaan in ay dayax-gacmeedyada heehaabaya hawada u dhow meeraha aannu saaran nahay ee dhulka inay ku dhacaan kumanaan walxood oo kasoo fuqay dayax-gacmeedyo kharaabay ama gaboobey.

Ururka indhaha ku haya ama raadiya waxyaabaha haraaga ah ee hawada sare oo la yiraahdo LeoLabs ayaa ka digey in laba dayax-gacmeed oo ay kala leeyihiin Shiinaha iyo Ruushka oo uu kan dambe yahay mid ay ciidamadu leeyihiin oo ka yimid qarnigii hore ee 20-aad ay aad iskugu soo dhowaan doonaan saacadaha hore ee Jimcaha berri ah (haddii Alle idmo).

Waxay intaa raaciyeen inay isu soo jirsan karaan fogaan ka yar 12 mitir (40 cagood) maalinta berri ah 16-ka Oktoobar, marka ay saacaddu abbaarayso 00:56 UTC, waxayna sidoo kale halis wayn ku hayaan xitaa dayax-gacmeedyada u socda saldhigga caalamiga ah ee ISS ee dadka qaada ama soo celiya.

Marka la eego xisaabaha ay isku dhufteen iyo sida uu falaggoodu iskugu beegan yahay, waxaa jira fursad 10% ka wayn oo ah inay xitaa iskuba dhici karaan iyagoo heehaabaya joog dhan 991km dhulka meel ka sarreeysa oo ku beegan Badda Weddell Sea oo uu kulaalo jasiirad u ekaha Antarctic-gu.

Labadan dayax-gacmeed ayuu cufkoodu isu gayn gaarayaa 2,800kg waxayna ku socdaan kaynaan nisbi ah oo dhan 14.7 km halkii ilbiriqsi ama 52,920 km/saacaddii, taasoo ka dhigan inay xitaa xabbad ka orod badan yihiin (xabaddu waxay ku socotaa 2,736 km/saacaddii).

Markab-cireedka Shiinaha ee Long March 4B ayaa cirka loo diray Maajo 10, 1999-kii, halka dayax-gacmeedka hallaabay ee ciidanka Ruushka ee Parus uu kasii horreeyey oo la ganay Febraayo 22, 1989-kii, isagoo Ruushka ka caawinayey dhanka isgaarsiinta iyo hagitaanka.

Hadalsame Media