XOG: MW Farmaajo oo lagu cadaadiyey inuu xilka Nabad Sugidda ka qaado Fahad Yaasiin (Qofka lagu bedelayo & xilal kale oo…)

0

(Muqdisho) 15 Okt 2020 – Maamul-goboleedyada, musharrixiinta iyo qaar ka mid ah madaxda xisbiyada ayaa iyaga oo kaashana beesha caalamka waxay Madaxtooyada ku cadaadinayaan in xilka Nabad Sugidda laga qaado Fahad Yaasiin, sida ku cad xogo hoose oo hordhac ah oo aannu helnay.

”Nin adiga siyaasad ahaan kula jira oo u ololeeynaya inaad soo noqoto ma qaban karo xilka Agaasimaha Guud ee Nabad Sugidda.” ayaa lagu yiri MW Farmaajo oo ay aad iskugu dhow yihiin Fahad.

MAXAA XIGI KARA? Xogo hoose oo aannu helayno ayaa sheegaya in ay durba Madaxtooyadu garowsatahay in arrintaa looga gar joogo oo ay bilowday qaban qaabad sidii xilkaa looga bedeli lahaa Fahad.

Ujeedku wuxuu yahay in Fahad loo raadiyo boos Xildhibaan oo Aqalka Hoose ah, isagoo haddii uu lacalla soo xasiliyo deeto raadin doona Guddoomiye Xigeenka 1-aad ee Baarlamanka, mase sahlana oo waxay booska isku haystaan Faarax Cabdulqaadir.

Waxaa dhanka kale booskiisa loo magacaabi rabaa rag uu ugu horreeyo Asad Cusmaan Diana oo ka mid ahaa musharraxiintii madaxtinnimada Puntland oo la sheegayo inuu ku sugan yahay Hotel Décalé oo ku dhex yaalla Garoonka Dayuuradaha.

Si haddaba loo ilaaliyo nidaamka 4.5 waxaa xilka laga qaadayaa Taliyaha Booliiska DF Somalia, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, waxaana booskiisa lagu bedelayaa Sarreeye Guud, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Hadalsame Media

Facebook Comments