Ma jiraa DHAGAX SHUB ah oo lagu dallacsiiyey munaasabaddii lagu qaadayey dhagxaanta qaar?!!

0

(Hadalsame) 15 Okt 2020 – MA JIRAA DHAGAX-SHUB AH OO JANARAAL LOO DALLACSIIYEY?

Munaasabadda furitaanka jidadka intii ay socotay Madaxweynaha DALLACSIIN ma u sameeyey DHAGXAANTII SHUBKA ahayd? Ma jiray dhagax SHAHAADO SHARAF la siiyey?
Dhagxaantaas ku dadaalayey sugidda ammaanka muddo 3 iyo bar ah waxay aheyd in ay qaarkood helaan darajooyin iyo dallacsiin, in la xuso shuhaddadooda, in qaarkood billad sharaf iyo shahaado sharafyo la siiyo.

Waxaan filayey in aan SNTV ka daawan doono “Md. Dhagax-Shub ee yaallay jidka Tarbuunka waxaa loo dallacsiiyey Janaraal, maanta laga billaabo waa Janaraal Dhagax. Md. Dhagax-Shub ee yaallay jidka Seyniyaano wuxuu ku guuleystay billad geesi, waxaana loo dallacsiiyey Korneyl, sidaas darteed waa Korneyl Dhagax.
Md. Dhagax-Shub ee yaallay jidka Folorensa waxaa la guddoonsiiyey Shahaado Sharaf, waxaana loo dallacsiiyey Kabtan, maanta laga billaabo waa Kabtan dhagax.”

Sidaas ayey filayeen dhagxaanta Soomaaliyeed ee amaanka sugayey in loo maamuuso, xilli ay dadka Soomaaliyeed ku guul dareysteen sugidda amnigooda.
Balse ma arag wax maamuus ah oo loo sameeyey dhagxaanta shubka ah, waana nasiib darro.

Waxaa Qoray: Abuukar Al Badri

Hadalsame Media