Giriigga oo hub nooc cusub ah u adeegsan doona qaxootiga xadkiisa kasoo gudbaya! (Noociisa & dhibka uu keenayo)

0

(Athens) 15 Okt 2020 – Giriigga ayaa diyaarinaya qoryo sii daynaya mowjado jabaq ah oo ay dhigayaan meel u dhow xadka ay la leeyihiin Turkiga, si ay uga hor tagaan inay qaxootigu dhankooda u gudbaan.

Qalabkan oo loo yaqaan LRAD, ayaa la dhigayaa meel u dhow magaalada Alexandroupoli (Dedeağaç) oo ka tirsan gobolka Edirne meel ku dherersan webiga Maritsa River si ay qaxootiga uga hor istaagaan inay webiga ka gudbaan.

Athens ayaa sidoo kale goobtaa dhigtay ilaalo xuduudeed dheeraad ah oo ku hubaysan 4 daroon, 15 kaamiro oo kulaylka dareema, 10 gaari oo gaashaaman iyo 5 saxiimadood, sida uu dhigayo Daily Mail.

Hannaanka LRAD ayaa horay looga dayriyey in loo adeegsado in dadka lagu kala didiyo maadaama uu aad u sarreeyo mugga decibel-kiisa iyo hir-baaca codkiisu oo uu dadka dhega tiri karo, iyadoo loo arko inuu ka mid yahay hubka loo yaqaan Sonic-ga ee jabaqda wax ku waxyeelleeya.

MUXUU GAYSAN KARAA? Wuxuu keeni karaa inuu qofku dhega beelo iyo dhibaatooyin caafimaad oo kale, waxaana hubkan oo dunida ku cusub adeegsada hay’adaha sharci oogista ee dalalka Maraykanka, Czech Republic, Japan, Spain, Poland iyo U.K.

Yeelkeede, ururrada xuquuqda aadanaha iyo Turkiga oo horay dhowr mar Giriigga ugu eedeeyey dadnimo xumo ayaa aad uga soo hor jeestey in qaxootiga sidan insaaniyadda ka baxsan loola dhaqmo.

Hadalsame Media